|

Dalalka Argaggixisadu Saamaynta ku yeelatay iyo Kaalinta ay Soomaaliya Kaga Jirto – Warbixin Cusub

Abuja 20. November 2016 (SDN/QJ):- Waddanka Nayjeeriya, ayaa noqday dalka 3-aad ee dhibaatada ugu weyni ay ka soo gaadhay Argaggixisada sannadkii hore, marka laga yimaaddo Afghanistan iyo Ciraaq.

boko-haram-in-nageriaSoomaaliya ayaa ah dalka 7-aad, marka laga yimaaddo Pakistan, Suuriya iyo Yemen sida uu ku sheegay Warbixin uu soo saaray Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda Tusaha Argaggixisada caalamka. Tirada guud ee dhimashada ka dhalatay weerarrada Argaggixisada ayaa sannadkii hore 10% hoos u dhacday tan iyo 2010-kii, sida warbixintaas lagu sheegay.

kooxda-dagaalyahanka-al-shabaabWaxaana badi loo aanaynayaa guusha ay Milliterigu ka gaadheen kooxda Boko Xaraam ee Nayjeeriya ka dagaallanta iyo kooxda la magac-baxday Khilaafada Islaamiga ee ISIS ama Daacish ee qaybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya gacanta ku haysa. Hase-yeeshee, iyadoo la sheegayo in dunida oo dhan ay ku dhinteen 29,276 Qof, ayaa sannadkii 2015 wuxuu noqday kii 2-aad ee ugu dhimashada badnaa Taariikhda.

daacish-somaliaSidoo kale, Warbixinta waxaa lagu ogaaday; in Daacish ay ka hormartay Boko Xaraam, oo ay noqotay Kooxda Argaggixisada ah ee ugu dilka badnayd sannadkii 2015, iyagoo weerarro ka geystay 252 magaalo, kuna dilay 6,141 Qof.

 

Tirada dadka ay Boko Xaraam dishay, ayaa lagu sheegay warbixintan inay hoos u dhacday 18%. Kooxdu waxay mas’uul ka ahayd geerida 5,478 sannadkaas gudihiisa. Sidaasoo ay tahay, Boko Xaraam iyo ISIS waxay keeneen khatar cusub, iyagoo dalal hor leh ku fidaya sida ay Warbixintu sheegtay.

 

Boko Xaraan waxay ku fidday dalalka Niger, Kaameruun iyo Chad, iyadoo tirada dadka ay dalalkaas ku dileen ay korodhay 157% sida lagu sheegay Warbixintan oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu ka soo xigannay soo turjuntay.

 

daacishKooxda Daacish iyo kooxaha gacan-saarka la leh, ayaa waxay ka hawlgaleen 15 waddan, taasoo tirada guud ee dalalka ay ka hawlgalaan ka dhigaysa 28 Dal. Fiditaanka, ayaa ah sababata ay dalal badan u diiwaangeliyeen heerkii ugu sarreeyey ee Argaggixiso tan iyo 2000, sida ay Warbixintu sheegtay.

Comments are closed