|

Madaxweynaha La Doortay ee Dalka Maraykanka Donald Trump oo Malaayiin Dollar ku bixinaya Xalinta Sadex kiis dacwadeed

New York 20. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wada qorshe uu malaayiin dollar ku bixinayo si loo xaliyo Kiisas Maxkamdeed oo loo heesto sida ay Baahiyeen Warbaahinta dalka Mareykanka.

 

trump-universityXeer ilaaliyaha guud ee New York ayaa sheegay in Madaxwenaha Cusub ee dalka Mareykanka uu ogolaaday in lacag dhan 25 milyan oo Dollar ku bixiyo Sadex kiis dacwadeed oo loo haysto.

 

Madaxweyne Donald Trump waxaa kiisaskan kusoo oogay arday dhigan jirtay jaamacadda Trump, kuwaasoo ku doodaya in tobanaan kun oo dollar looga qaatay isu diiwaangelinta kuliyad ka tirsan jaamacadaasi oo aan lahayn warqadaha aqoonsiga.

 

Kiisaskan Dacwadeed ayaa soo socday mudo lix sano ah , waxa uuna Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka uu marar badan diiday in uu lacago magdhaw ah ka bixiyo kiisaskan ay kusoo ogeen ardayda.

 

Waxaa la sheegay in Heshiiskan uu meesha ka saarayo in Mr Trump uu qirto in uu khalad galay, waxaana uu sidaa uga badbaadayaa waji-gabax uga iman lahaa xukun maxkamadeed, waxaana laga cabsi qabaa in kiisaskan ay noqdaan kuwa wado cuub u fura dad badan oo iyana dacwado u qaa Trump.

Comments are closed