|

Dalka Dunida Ugu Badan ee Muwaadiniintiisu ku Biiraan Kooxda Daacish

Sweden 10. October 2016 (SDN/QJ):- Dawalada Sweden ayaa waxa ay mudooyinkan danbe noqotay dawalada ugu badan ee ay ka tagaan dagaalyahanda Daacish ee ka dagaalama gudaha dalalka Suuriya iyo Ciraaq ,waxa aanay u badanyihiin dagaalyahanada ka tagayaa dalkaasi qaar iyagu  marka hore aan u dhalan dalkan balse ku soo  galay qaxootinimo isla markaan hatiyay dhalashada dalkaasi .

 

sweden-and-isisTirada dagaalyahanada ka tagay dalkaasi Sweden ayaa lagu qiyaasay ugu 300 oo dagaal yahan ,waana tiradii ugu badnayd eek a tagta qaarada Yurub intii ay ka socdeen dagalaadasi dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

 

Sidoo kalena dagaalyahanda ka kicitimay dalkaasi ayaa la sheegay inay u badanyihiin dhalin yaro kuwaaso aanay da’doodi ka badnayn 25jir .

Comments are closed