|

Dalka Qudha ee aan Dayn iyo Maalgelin Midna u Baahnayn ee Ku yaala Qaarada Yurub!!

Roma 29. August 2017 (SDN/QJ):-Dalka Talyaniga waxa ku dhex yaalla laba dal oo iskood u madax banaan. Midkood waa  Jamhuuriyadda San Marino waa dawlad la aqoonsan yahay oo ku taalla buuraha abinia ee dalka Talyaniga , dhulka ay degan tahay qiyaas ahaa wuxu dhan yahay 61 km, caasimada dalkuna waa magaalada San marino.

Dadka ku nool dalkan ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 30 kun oo qof. Dastuurka San Marino ayaa la sameeyay sannadkii 1600 waxaana la sheegay inuu yahay distoorka ugu qadiimisan dunida ee haddana wakhtigan la siticmaalo iyadoon waxba laga bedelin.

Dhaqaalaha dalka ayaa ku dhisan Adeegayad ay bixiyaan, wershadaha iyo dalxiiska. Waxaana ay ku jirtaa dawladdaha dunida ugu qanisan sababtuna waa wax soo saarka gudaha dalka oo aad u sareeya  (GDP). Dalkani ma jirto wax dayn ah oo baanka aduunka iyo dalalka daymaha bixiyaa ku leeyihiin adaama uu isku filan yahay, mana jirto maalgelin uu uga baahan yahay dalalka iyo shirkadaha dunida kale waayo isaga ayaa ku filan mashruuca kasta maalgelintiisa.  Dalkani waa mid ka mid ah labada dal ee madaxa banaan ee haddana ku dhex yaalla Talyaaniga.

Comments are closed