|

Danjire Bethuel Kiplagat Oo Geeriyooday Isagoo 81 Sano Jir Ah Iyo Waxyaabaha ay Somalia ku Xasuusato

Nairobi 17. July 2017 (SDN/QJ):- Danjire Bethuel Kiplagat oo Kenya ugu xil saarnaa hanaankii nabadda ee Soomaaliya 2003 illaa 2005 ayaa geeriyooday isagoo 81 sano jir ahaa.

Wuxuu kaloo ahaa guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD u qaabilsanaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay Kenya kaasoo lagu dhisay dowladii KMG aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Soomaalida ayaa xusuusata doorkii uu ku lahaa shirkaas oo markii hore ka furmay degaanka Eldoret balse markii dambe loo soo wareejiyey degaanka Mbaghati, waxaana lagu casuumay hogaamiye kooxeedyadii dalka.

 

Danjire Kiplagat wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka cayaaray wada xaajoodyadii nabadda ee dhex maray madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir iyo hogaamiyihii fallaagada John Garang.

 

2009 – 2010 wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta ee Kenya, xilkaas oo uu iska casilay markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee 1984, kaasoo boqollaal qof lagu dilay markii milateriga oo ugaarsanaya maleeshiyo la oran jiray Shifta ay hawlgal ka sameeyeen waqooyiga Kenya.

Comments are closed