|

Markii Uu Gaboobay Ayuu Sabool Noqday!

Washington 17. July 2017 (SDN/QJ):- James Dewey Wetson oo uu dhashay dalka Maraykanka wuxu ahaa professor sare oo cilmiga biology noolaha iyo waxa la xidhiidha aqoon sare u lahaa isla markaana jaamacadaha dalkaasi ka bixin jiray duruustaasi. Waxaana uu ka mid ahaa khubaradii sanadkii 1953 soo bandhigya qaabka dhiiga DNA.

Sanadkii 1962 ayuu ku guulaysty in la siiyo abaal marinta Nobel prize ee Cilmi nafsiga iyo dawada (Physiology or Medicine).

Aqoonyahnkaasi caanka aha ayaa sanadkii 2014 oo ay da’adiisu ahayd 86 sano go’aansaday inuu xaraasho biladda dahabka ah ee Nobel prize ee la siiyay sanadkii 1962 ka dib markii uu sabool noqday oo baahi lacageedna ku dhacday.  James ayaa ku  soo bandhigay inuu ku iibin doono qiimo dhan 4.1 Million doller.

Ugu danbaystii waxa ka iibsaday maal qabeen Ruush oo lagu magacaabo Alisher Usmanov waxaana uu siiyaya lacagtii uu ku xaraashayay, inkasta oo haddana markii danbe usoo celiyay isagoo sheegay in abaal marintan uu u qalmo inuu iska haysto james oo ay gurigiisa u taallo madaama uu dunida wax ku soo kordhiyay.

Comments are closed