|

Daraasad Lagu Sameeyey Tirada Dadka Reer Kenya Ee Sanadkan Ku Dhimatay Shilalka Gaadiidka

Nairobi:Aug,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Kenya, ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay ku muujinayso tirada dadkeeda ee sanadkan gudihiisa ku geeriyooday shilalka gaadiidka.

acciWarbixinta ayaa waxaa daabacay Hay’adda Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyay NTSA, waxa ayna daaha ka rogtay tirada saxda ah ee ku dhimatay shilalka dalkaasi ka dhacay.

Waxay sheegtay in tan iyo bilowgii sanadkaan kaliya ay dhinteen 774 ruux kuwaasoo shilal gaadhi u geeriyooday.

Saraakiisha Hay’addu waxay tilmaameen in dadkaan dhintay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 44 sano marka la qiimeeyay sidey u badan yihiin.

Tirada ugu badan ayay Hay’addu sheegtay inay ka yarayen 15 ilaa 25 kuwaasi oo lagu waayay shilalkaasi.

Dhanka kale 40% waxaa la sheegay in dadka dhintay ay yihiin kuwa lugeeya oo saameynta balaadhan uu ku yeesho marka shil dhaco.

Sanadkani ayaa la rumeysan yahay inuu yahay sanadka ugu dhibka badan marka la eego dhibaatada Shilka, waxa ayna Hay’addu sheegtay in waxbadan laga bedeli doono.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed