|

Wasiir Xirsi Oo Farriin Adag Oo Canaan ah u Diray Shacabka Reer Oodweyne

Burco:Aug,04,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa farriin adag oo ku aaddan qabyada ku jirta waddada Burco-oodweyne u diray shacabka Reer Oodweyne, waxana uu ku baaqay in la keeno lacagtii waddadaas lagu dhamaystiri lahaa.

wasiir xirsiWasiir Xirsi ayaa safarkii uu dhawaan Bariga dalka ku tegay si gaar ah u cannaantay reer Oodweyne, waxana uu tilmaamay inaanay bixinin lacagtii loo qoondeeyey in waddadaas lagu sameeyo.“Ooweyne $35000-kun baanu idinka haynaaye lacagta keena, ninkii wax kale sheeganayaa ha yimaaddo, rag baan maqlaayey lahaa waddada Oodweyne maxaa loo samayn waayeye idinkaa la idin sugayaaye lacagtii halla keeno, waana waddo Burco loo dhisayo.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Waddada Burco-Oodweyne oo kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan dalka, ayaa wali qabyo weyni ku jirtaa, waxana arrimahaas loo aanaynayaa Xukuumadda oo awoodda saartay waddada Ceerigaabo, isla-markaana aan muhiimad siinin waddooyinka kale ee Dalka.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed