|

Xukuumadda Somaliland oo Gurmadkii Ugu Balaadhnaa Gaadhsiisay Dadka Abaaruhu Caydha ka Dhigeen ee Gobolka Badhan

Badhan 21. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Xaaji Aadan iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga gobolka Badhan, ayaa taakulayn gaadhisiiyay 3 kun oo qoys oo isugu soo guuray degmada Ceel-buh ee gobolka Badhan oo ay ku soo guureen hogol roob oo deegaankaas ku dambaysay isla markaana ka soo kala hayaamay gobollada Badhan,Sanaag,Sool,Saraar iyo deegaanno kale.

Waxaa kale oo weftiga uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Waxbarasahda Somaliland  ay gacan wayn ka geysteen sidii loo soo rari lahaa dadkii reer Somaliland ee u hayaamay xeebaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo isa soo qaadi kari waayay xoolihiina ay ka bexeen oo loo diray gaadiid waawayn oo lagu soo raro.

Wasiiru-dawlaha Waxbarashada oo socdaalkooda uga warramay wargayska Dawan waxaa kale oo u intaa ku daray in ay kormeer ku soo sameeyeen laamaha dawladda ee degmada Ceel-bu iyo deegaanada hoos yimaada oo ay ka mid yihiin goobaha waxbarashada caafimaadka iyo dugsiga tababbarka ciidanka ee Ceel-bu oo ah dugsi tababar oo ay leeyihiin cidanka qaranka Somaliland.

Waxaanu Wasiirku intaa ku daray in ay deegaanka ka jirto abaar aad u baahsan oo  biyo iyo baadba idlaysay isla markaana 3 ceel biyoo doo ay degmadu lahayd midna uu fadhiyo labana biyo yareeyeen.waxaanu ugu baaqay qurba joogo gobolka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland in ay u soo gurmadaan dadkooda abaartu ku habsatay ee xoolihiina  ay ka bexeen.

Wasiirudawlaha Waxbarashada oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. Wefti balaadhan oo aan hoggaamiyo oo ka socda Xukuumadda iyo Gudida Gurmadka abaaraha ee heer qaran oo aan xubin ka ahay ayaa socdaal gurmad ku tegay gobolka Badhan oo xaalad abaareed oo adagi ay ka jirto waxaanay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee duunyadu ay ka baxday ya isugu yimaadeen degmada Ceel-bu oo hogol roob ay ku dambaysay laakiin baadkii iyo biyihiiba way ka  dhamaadeen waxaanan halkaa gaadhsiinay kaalmo raashin ah oo gudiga gurmadka abaaruhu ay ugu talo gashay 3 kun oo qoys si wanaagsan ayaana loogu qaybiyay oo ay dadkaa u gaadhay waxaana aad ugu mahad naqayaa dadka deggen degmada Ceel-bu oo iska horraysiiyay oo raashnkii sadexda kun ee qoys loogu talo galay u daayay dhammaan dadkii soo guurtada ahaa  oo iyaga ka jilicsanaa. Waxaa kale oo aanu gurmad wayn ka galnay ka dawlad ahaan soo rarisra dadkii reer Somaliland ee xoolo dhaqatada ahaa ee u hayaamay deegaanaka xeebaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo isa soo qaadi kari waayay iyaga iyo wixii xoolo u hadhayba markii ay jilceen ee ay itaal darreeyeen waxaanan u dirnay gaadiid soo gura dadkaas, gaadiidkaas oo badan kooda ay ku  tabaruceen dadkii lahaa isla markaa ay Xukuumaddu kafaalo qaaday baabuurtu guud ahaan shidaalka ay u  baahan yihiin markaa gurmadkaa dadka lagu soo rarayana waanu ku gudo jirnaa waxaana iska gaashana Xukuumadda iyo dadkeena gaadiidka leh oo baabuurta ku tabarucay.”

Wasiirka oo  hadalkiisa  sii watay wuxuu  intaa ku daray; “Waxaa kale oo aanu kormeer ku soo samaynay deegaanada tuuloyinka hoos ymaada degmada Ceel-bu oo aanu soo qiimaynaynay xaaladda ay dadku ku nool yihiin waxaana deeaanka ka jirta abaar baahsan dadkana xoolihii way ka bxeen Xukuumadda iyo gudiga abaaruhuna waxba kala hadhi maayaan u gurmadkooda waxaanan ugu baaqayaa qorba jooga  gobolka iyo guud ahaan dadka reer Somaliland ee gacanta wax ku haya in ay dadkooda u gurmadaan oo ay wax soo taraan.”

Waxaa kale oo uu Wasiirudawluhu  sheegay in markii ugu orraysay isguul dugsi hoose/dhexe iyo sare oo  ku yaallay degmada Ceel-bu  oo ahaa markii hore dugsi gaar loo leeyahay in uu ka mid noqday dugsiyada Dawladda oo ay ku soo biireen Wasaaradda Waxbarashada. “waxaa kale oo aan kor meer ku soo sameeyay guud ahaan goobaha waxbarashada ee degmada waxaana markii ugu horraysay nagu soo biiray oo isguul dawliya noqday isguul dugsi hoose dhexe iyo sare,ba ahaa oo degmada ka jiray oo aan ka mid ahayn isguulada dawladda oo imika ka mid noqday iskuulada dawladda waxaanu dugsigaasi ka mid yahay maanta dugsiyada dawladda ee qaranku leeyahay ,waxaa kale oo aanu kormeer ku tagnay dugsiga tababarka ciidanka qaranka ee degmada Ceel-bu oo ah xarun ciidanka qaranku degganm yihiin.”

Ugu dambayn waxaa uu u soo jeediyay cid kasta oo gacan ka geysanaysa in ay dadkooda wax soo taraan in ay ka qayb qaataan gurmadka dadka abaartu caydhaysay ee gobolada Somaliland isla markaana ku soo haggaamiyaan wixii ay dadkooda ugu gurmanayaan Gudiga gurmadka abaaraha ee heer qaran.

Comments are closed