|

Dawlada Ingiriiska oo ay ka Go’an tahay inay la Shaqayso Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland

London 05. December 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay si dhow ula shaqaynayso madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib doorashadii madaxtooyada.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Rory Stewart, ayaa sheegay in masuuliyiinta Ingiriisku ay mudadii lagu jiray ku dhawaaqista natiijada doorashada xidhiidh la sameeyeen dhammaan saaxiibada Somaliland oo ay u cadeeyeen ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi, “Intii hawsha lagu gudojiray waxa ay masuuliyiintayadu la xidhiidheen saaxiibada Somaliland si aanu u cadayno ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi iyo weliba balanqaadka inaanu la shaqayno madaxweynaha cusub ee sharciga ah, si ay dadka reer Somaliland uga faaiidaan.”

Wasiirku wuxuu sheegay in safiirkooda Muqdisho danjire David Concar, uu kulan la yeeshay 24 November madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo uu ku bogaadiyay guusha uu gaadhay. Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay doorashadii Somaliland iyo doorka Ingiriiska ee  xidhiidhada ay la samaysay saaxiibada Somaliland.

Dawladaha reer galbeedka, ayaa u muuqda inay soo celinayaan wada shaqayntii ay la lahaayeen dawladda Somaliland, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November. Doorashooyinkii dib u dhacay, eeddo musuqmaasuq oo loo jeediyay xukuumadda talada sii haysa ee madaxweyne Siilaanyo iyo tacadiga saxaafadda ayaa wiiqay xidhiidhkii adkaa ee Somaliland iyo dalalka reer galbeedka. Waxase hadda la dareemayaa in reer galbeedku diyaar u yihiin inay soo celiyaan xidhiidhkaas.

Comments are closed