|

Dawlada Itoobiya oo Sii Daysay Maxaabiis loo Xidhxidhay Banaanbaxyada Dalkaasi Ka Dhacay

Addis Ababa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay illaa 2,000 oo Qof, kuwaasoo la xidhay inta lagu guda jiray markii dawladda dalkaasi dhawaaqday xukunka deg deg ah, iyadoo dadkan lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha ka socday qeybo ka mid ah dalka.

siraj-fegessaWasiirka Difaaca Itoobiya Siraj Fegessa ayaa bixiyay amarka lagu sii daayay dadkan, kaddib markii ay ka waantoobeen dhibaatadii ay wadeen.

20-kii October ayaa ciidamada ammaanka Itoobiya xabsiga dhigeen in ka badan 2,600 oo ruux, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay qalalaaso ka wadaan qeybo ka mid ah dalka.

6f526fa9b24e3f02f203Dowladda Itoobiya ayaa 9-kii bishii Oktobar ku dhawaaqday xukun deg deg ah oo soconaya muddo lix bilood ah, kaddib markii uu sii xoogeystay dibad baxyada ka dhanka ah dowladda.

Kooxaha Mucaaradka ayaa dalbanaya in la siiyo xoriyad dhinaca siyaasada, iyadoo xukunka dalka ay hayaan Xisbiga EPRDF oo ka talinayay tan iyo sanadkii 1991.

Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa ku eedeynaya in awooda dalka ay gacanta u gashay koox yar oo ka tirsan qowmiyada Tigreega, isla markaana laga gacan bidxeeyay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen.

Hay’addaha Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in illaa 500 ruux ay ku dhinteen rabshadaha lagaga soo horjeeday dowladda Itoobiya

Comments are closed