|

Xulka Xaysimo Oo Ka Dul-talaabsadday Dhiggiisa Sanaag Iyo Kulamadda Berri Ee Awdal Iyo Saaxil

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ) :-Kulamada wareega labaad ee sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa maanta ka bilawday  garoonka Hargaysa Stadium waxaana kulan adag isaga hor yimi xulalka gobollada Sanaag iyo Xaysimo oo ka wada tirsan Group A waxayna labada xul gobol kulankan ciyaarayeen iyaga oo soo guuldaraystay kulamadii wareegii hore.

 

xulka-gobolka-xaysimoXulka gobolka Xaysimo ayaa guuldaro wayn kulankii furitaanka kala kulmay Saaxil halka xulka Sanaag ay iyagana guuldaro ka soo gaadhay Awdal, sidaa daraadeed Xaysimo iyo Sanaag ayaa raadinayay guushoodii ugu horaysay ee sideed dhamaadka tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

 

Sida la fahmi karo kulankan ayay rajada labada xul gobol ku xidhnayd haddii ay fursad u heli karaan in ay afar dhamaadka u soo bixi karaan, waxayna dagaal wayn ugu jireen sidii ay natiijo fiican ku heli lahaayeen.

Xulka Gobolka Sanaag ayaa ciyaarta dardar ku bilawday waxayna xili horeba heleen goolka furitaanka iyada oo fursad koorne laga soo tuuray uu gool madax ah ugu dhaliyay  Ibrahim Messi, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Sanaag horaanka ciyaarta kula wareegtay.

 

Laakiin wiilasha Xaysimo ayaan marnba ku niyadjabin goolka looga naxsaday waxayna awooda isugu geeyeen sidii inta ayna qaybta hore dhamaan ay ku heli lahaayeen goolka barbaraha, waxayna hamigooda kaga dhabeeyeen iyaga oo daqiiqado kooban ay ka hadhsan tahay qaybta hore ee kulankan waxaana goolka ay Xaysimo ciyaarta dib ugu soo laabtay u saxeexay Maxamed Maxamud Jaamac oo kulankan wacdaro ka dhigay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah sidaa ayayna qaybtii hore ku dhamaatay.

 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka gobolka Xaysimo ayaa ciyaarta ku soo galay dardar aan la rumaysan karin, waxayna isla markiiba heleen goolka laabad ee ay markooda hogaanka ciyaarta kula wareegeen, waxaana markale Sanaag goolka labaad ku ugaadhsaday Maxamed Maxamud Jaamac kaas oo markale muujiyay farsamadiisa ciyaareed wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 uu gobolka Xaysimo hogaanka ciyaarta markiisa kula wareegay.

 

6-1Laakiin intii uu gobolka Sanaag la wareersanaa goolka hogaanka looga qabtay ayuu gobolka Xaysimo xamaasadiisa halkeeda ka sii waday waxayna heleen goolka saddexaad ee ay ciyaarta si buuxda dhinaca kale ugu dhigeen waxaana saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay xiddiga garoonka ugu fiicnaa ee Maxamed Maxamud Jaamac kaas oo markale dhibaato badan ku abuuray Sanaag wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Xaysimo hogaanka ku sii dheeraysatay.

 

Xulka gobolka Sanaag ayay yaab ku noqotay in goolkii ay ku hormareen saddex gool loogu sarifay laakiin wali waxay Xaysimo ayaa ahayd xulka laga filan karay goolka afraad iyaga oo fursado badan abuurayay.

 

Ugu danbayn Sanaag ayaa heshay goolkooda labaad ee rajadooda soo nooleeyay waxaana goolkan u saxeexay Maxamed Fu’aad oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana Sanaag lambarka 14 aad u qaata, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2 ay wali Xaysimo hogaanka ciyaarta ku hayso.

 

Rajada xulka gobolka Sanaag ayaa ku xidhnaantoonta natiijada kulanka berri dhex mari doona gobollada Awdal iyo Saaxil.

Comments are closed