|

Dawlada Somaliya oo Sameysay Qorshaha Dawlada Federaalka ee Saddex Sano ee soo socda

Muqdisho 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa furay qorshaha dawlada Somaliya yeelan doonta saddex sano ee soo socda.

 

bara-Madxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, RW  Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Rw ku xigeenka  Maxamed Cumar Carte, Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda Soomaailya, ayaa ka qayb galay madasha lagu lagu soo bandhigay Qorshaha Cusub ee Somaliya.

Qorshaha Qaran ee dawlada Federaalka Somaliya waxaa soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ,Wasiirka Qorsheynta Somaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ayaa sharraxaad faah-faahsan ka bixiyey ahmiyadda barnaamijka Qorshe Qaran, waxa uu sheegay in nuxurka ugu weyn uu yahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka, meeshana looga saari laha saboolnimada, qorshahaanna lagu hawlgalo gali doono muddo saddexda sanno ee soo socota.

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xikmadda ugu weyn ay tahay in Qorshahaan lagu sameeyey Wadatashi loo simman yahay, hase ahaatee muhiimaddu ay tahay in dadka ay aqbalaan qorshaan si uu u hirgalo.

Comments are closed