|

Dawlada Soomaaliya oo gargaar caafimaad gaarsiisay Laascaanood

Muqdisho May 22, 2023 (QJ)- Hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee Soomaaliya ayaa maanta diyaarad gargaar dawo ah u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan ciidamda Somaliland iyo kuwa SSC.

Diyaaradda la soo diray ee ka soo degtay magaalada Garoowe, ayaa sida deeq dawo ah oo loogu talagalay in lagu taageero isbitaalka magaalada Laascaanood oo buux dhaafiyey dad badan oo dhaawac ah.
Gurmadka caafimaad ayaa ah mid ka kooban dhinacyo kala duwan oo dhanka caafimaadka ah, waxaana si gaar ah loogu talogalay dadka rayidka ah ee ay dhibaatadu ka soo gaartay magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay shaqaaqooyinkii dhowaanahan soo kordhay.

Macasalaameynta duyuurada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA C/rashiid Maxamuud Xasan, Madaxa Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. C/laahi Muuse Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adda SoDMA.

Laascaanood iyo deegaamada hoosyimaada waxaa bilihii lasoo dhaafay ka socday dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) iyo ciidamada Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho, barokac  iyo dhaawacba leh.

Comments are closed