|

Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inaanay Ciidankeedu Ku Jirin Dagaalka Galkacayo

Muqdisho, 30.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali,  ayaa beeniyay in ciidamada dalka Somaliya ay ku lug leeyihiin dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee u dhexeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Maamulka Puntland xukuumadda dhexe ee Muqdisho ku eedeeyay hurunta dagaalkaasi,kana qayb qaadanayeen ciidamada dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay ciidamada dalka Soomaaliya gacan ku lahayn dagaalkaasi,isla markaana masuuliyadoodu tahay inay dalka iyo dadka difaacaan “Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheegno in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaya in dagaalka qayb ka yihiin ciidamadda Soomaaliya”ayuu yidhi Mr Diini.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qof kasta oo sharciga ku xad gudba  ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan“ Cidkasta oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa, waxana laga qaadayaa tallaabo sharciga dalka waafaqsan, waxaana loo aqoonsanayaa inaanu  ka mid ahayn ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yidhi Wasiir Diini.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliya waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka socda magaalada Gaalkacayo,waxaanu dadka deegaankaasi ugu baaqay inay xaalada nabad ku soo dabaalaan dagaalkana joojiyaan wakhtigana munaasib ahayn.

Maamulka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ku xukuumadda Somaliya qayb ka ahaayeen dagaalkaasi,kuwaasi oo markii hore tababar uga socday dhinaca Galguduud .

Comments are closed