|

Israel Oo inta ugu badan Wadamada Midawga Yurub Xidhiidhka Diblamaasiyadeed U Jartay

Talabiib,30Nov,2015(QJ/SDN)-Dowlada Israa’iil ayaa joojisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd wakiilada midowga Yurub ee ku dhexjiray dadaalka nabadeed ee Falastiin iyo Israa’iil. Arrintani waxay ka dambeysay markii midawga Yurub joojiyay badeecadaha Israel ee laga soo saaro degaannada sharci darrada ah ee Falastiin laga qabsaday.

Emmanuel Nahshon, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegay in ra’isal wasaaraha Israel amray in dib u qiimayn lagu sameeyo hay’addaha Yurub ee ku lug leh wada xaajoodka siyaasadeed ee Israel iyo Falastiin, wuxuuna sheegay in dhammaan wada shaqaynta la joojiyay inta arrimahaasi dib loo eegayo.

Waxaa jirta cabsi ah in ay sii siyaado nacaybka loo muujinayo alaabta Israa’iil ay samayso, waxaana Israel ku sheegtay talaabada lagu diiday alaabtooda mid takoor ah. Waxa ay sidoo kale sheegtay inay wada shaqaynta la sii wadi doonto dhawr dal oo ay ka mid yihiin Germany, Britain iyo France.

 

Comments are closed