|

Dawlada Sudan oo Sheegtay inay Xidhiidhka u Jartay Mid ka mid ah Dawladaha ugu Quwada weyn Caalamka!!

Khartoum 06. October 2017 (SDN/QJ):- Sida uu ku warramay wargayska Financial Times Dawladda Suudaan ayaa xiriirka u jartay Kuuriyada Waqooyi si ay uga soo baxdo shuruudaha uu Maraykanku ku xiray si looga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saaran.

Saraakiil sarsare oo reer Suudaan ah ayaa shalay sheegay in ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa, ayna rajaynayaan in laga qaado cunaqabataynta.

 

Bishii Juun ayuu madaxweyne Donald Trump saddex bilood dib u dhigay go’aankii uu si buuxda cunaqabataynta dhaqaale ugaga qaadi lahaa Suudaan.

 

Cunaqabataynta dhaqaale ayaa la saaray Suudaan ka dib markii lagu shaanbadeeyay “in ay taageerto argagixisada.

 

Waxaa la filayaa in Maraykanku uu ku dhawaaqo 12 bishan Oktoobar go’aanka ku aadan in uu si dhamaystiran cunaqabataynta uga qaadayo Suudaan.

Comments are closed