|

Dawlada Suuriya oo sheegtay in Mucaaridku ku fashilmay Afganbi ay damacsanaayeen

Dimishiq Mar 31,2012(SDN)-Afhayeen  maanta  u hadlay  dawladda  Suuriya  oo lagu  magacaabo  Jihaad  Maqdasi,  ayaa  sheegay  in ay  ku fashilmeen  mucaaridkii  dalku ee doonayey inay  afgambiyaan  xukuumadda  Suuriya,  hase  yeeshee uu dagaalka  ka socda dalka  yahay sidii loo soo celin lahaa  xasiloonidii iyo  kala dambayntii.

Afhayeenku wasxa uu intaa  raaciyey in dawladda Suuriya aqbashay  qorshaha  nabadda  ee  uu gadhwadeenka  ka yahay  xoghayihii  hore  ee  qaramada   midowda  Mr  Kofi Anan   toddobaadki hore,  ee ay   maamulka  Suuriya  sugayaan  sidii qorshahaasi  fulintiisa  looga wada tashan lahaa.

Geesta kale,  wasiirka arrimaha dibadda ee dalka  Turkiga  Axmed  Daa’uud  Ogloo  ayaa   ugu b aaqay  dawladda  Suuriya in ay  maanta  haysato fursaddii ugu  dembeysay  ee caalamku  ugu talo galay  furdaaminta  rabshadaha iyo dagaalada ka oogan  dalkaasi,  haddiise  ay  Surta gali waydo  in lagu guulaysto qorsahaasi  maamulka  Suuriya waxa uu la kulmi doonaa talaabo adag oo caalami ah,  hadalk  ka soo yeedhay  Mr  Aqloo waxa  uu ku soo beegmay,  iyadoo bari  uu  shir  caalami ihi ka furmayo  magaalada  Istanbuul  ee dalka Turkiga  oo lagaga hadlayo  mashaakilka  Suuriya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed