|

Nin Muwaadin ah oo Ka soo Jeeda Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag oo Gaadhi Land Cruiser ah ugu deeqay Xisbiga Waddani

Gar-adag 18. September 2017 (SDN/QJ):- Muwaadin Siciid Aadan Siciid Ayaanle oo ka soo jeeda deegaanka Gar’adag oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa gaadhi ugu deeqay xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Gaadhigan oo uu sheegay muwaadinku inuu ugu talo galay in Xisbiga Waddani uu ku galo hawlaha ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland oo mudo bil ka yari inaga xigto, ayuu ku wareejiyey xisbiga Waddani.

 

Gaadhigan Muwaadin Siciid Aadan Siciid Ayaanle uu ugu deeqay xisbiga Waddani oo noociisu yahay Land-cruiser ayaa waxa ka gudoomay Xoghayaha Maaliyada ee xisbiga Waddani Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaas oo uga mahadnaqay in Siciid Aadan Siciid Ayaanle uu ku wareejiyo xisbiga Waddani Gaadhigan.

 

Mr Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Waddani waxa uu sidoo kale sheegay in gaadhigani uu wax badan ku soo kordhin doono ololaha uu xisbiga Waddani u galayo doorashada Madaxtooyada oo ku beegan 13-ka November ee Sanadkan.

 

Sidoo kale Siciid Aadan Siciid Ayaanle ayaa isaguna dhinciisa sheegay in arintan uu go’aansaday kadib markii uu ku qancsay siyaasada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana maanta uu dalku u baahan yahay isbadal siyaasi ah, isla markaana uu filayo in isbadalkaasi uu keeni doono Xisbiga Waddani.

 

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee muwaadin ku qancay siyaasada mid ka mid ah xisbiyada dalka, gaar ahaana Xisbiga Waddani uu ku qancay siyaasadiisa uu ku wareejiyey hanti gaadhi ah xisbiga Waddani.

Comments are closed