Hargaysa 24. July 2017 (SDN/QJ):- Idiris Cigaal Nuur Waxa uu ka Mid yahay Shakhsiyaadka ku suntan bar bilowga hannaanka war tebineed ee Bulshada soomaalida isagoo ka mid ahaa xidigihii ugu cad cadaa ee soo maray Warbaahinta ku hadasha Luuqada Soomaaliga.
Idiris Cigaal Nuur wuxuu sidoo kale Maamule ka noqday qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida.
Wuxuu Xogwarankan Magaaladda Hargaysa ku siiyey Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee Ka Baxa Telefishanka Universal ee uu soo saaro Weriye Faysal Maxamed Cabdi ‘’Faysal Fadh-Fadhle’’ kaas oo uu ku faahfaahiyey Bilowgiisii Warbaahinta,Duruufihii ka soo Maray,Isbedelada ku Yimid iyo Talooyin Dhaxal gal ah oo Cashar u noqon kara barbaarta maanta ku guda jirta Mihnada Saxaafadda.
