Xukuumadda Turkiga oo Mar Kale Dalbatay in La Kordhiyo Muddada Xaaladda Deg Dega ah uu ku Jiro Dalkaasi

Istanbul 18. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Turkiga ayaa doonaysa in muddo sadex bilood ah oo kale lagu kordhiyo xiliga xaaladda degdega ah ee wadanku ku jiro.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Raysalwasaaraha turkiga Bin Cali Yerdim ayaa lagu sheegay in xukuumadu u baahan tahay in la sii wado xaalada degdega ah ee dalka lagu soo rogay muddo sanad ka hor ah markii la isku deyay inqilaabkii fashilmay.

Bayaanka waxa lagu caddeeyey in golaha wasiirada ee wadankaasi ay codsi u dirsadeen baarlamaanka si ay mudadaa sadexda bilood ah ugu sii daraan xiligii xaalada degdega ah oo haatan sii dhamaanaya.