|

Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo Qiray In Shaqaalaha Dawlada Awal Loo Qaadan jiray Qaab Qabyaaladeed, Balse Arintaasi Laga Gudbay,Weerarna Ku Qaaday Masuuliyiinta Xukuumadda Kaga Jira Gabiley

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa ka marag kacay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay qaab qaldan u mari jirtay Nidaamka shaqaalaysiinta,waxaanu kashifay in Arintaasi afku ka xaday balse uu qorshahaasi go’aan ka gaadhay Madaxweynaha Somaliland oo uu soo wado,Waxaana uu sheegay inaanay dib u dhacayn in la shaqaalaysiiyo qof Wasiir ama Suldaan gacanta hayo oo uu sheegay inay ahayd Nidaam Dulmi ah,waxa kale oo uu fariin u diray Wasiirka Qudha ee Reer Gabiley leeyihiin ee Warshadaha oo ka muquurtay Munaasibada xadhiga lagaga jarayay Xarun dabdamis oo laga hirgaliyay Wajaale.

Wasiir caddare oo ugu horayn ka hadlay Qorshe Xukuumada uu ka tirsan yahay ku tirtirayso Nidaamkii dulmiga ahaa ee Shaqaalaha Hay’addaha Dawlada loo qaatay ayaa waxa uu yidhi “Qarankani makalaha Shaqaaluhu ee waa loo siman yahay,Waxaan idiinku bushaaraynayaa oo aan jecelahay inaan idiin sheego,in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay in Reform-kii la waday (Public Reform) ayaa la yidhaaye uu socdo, inaan Shaqaale dambe lagu qaadanin garab,Hebel oo wasiir ah ayaa wata,Suldaan ayaa wata,Gudoomiye ayaa wata,Dib u shaqayn mayso,Imtixaan ayaa laga qaadayaa,Waan ka sii hor degay,Waan idiinku bushaaraynaynaa,Waxay xalinaysaa taasi dhibaatada Dhalinyaradeena haysata,kii Xirfada lahaa ee xaqa ku yeelan lahaa haddii mid Garab lagu keenay uu ka qaado Cadaalad noqon mayso”.

Waxa uu wax laga Xumaado ku tilmaamay oo uu dareen layaableh ka bixiyay Munaasibada hadalkan uu ka jeediyay oo xadhigaga lagaga jaray Xarun Cusub oo Dabdamis ah oo loo sameeyay Magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo ay ka maqnaayeen Oday dhaqameedkii Gobolkaasi iyo Masuuliyiintii Xukuumadda kaga jiray Gobolkaasi oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Warshada Shacayb Maxamed Muuse oo ka muquurtay Munaasibadaasi, islamarkaana aan la garanayn ujeeda uu munaasibaadi balaadhan uga maqnaa,ayaa waxa uu Mr Caddare yidhi“Waxaan dareemayaa in Guddidii Horumarka Degmadu ay ka maqan tahay meesha,Waxaan dareemayaa in Madax dhaqameedkii ka maqan yihiin,in Wasiiradii Gobolka ka soo jeeday ay Madasha ka maqan yihiin,Waxaan arkayaa markaan Xuuraamiyay ee aan dhego dhegeeyay,ee aanu ukuur galay inay wax kasiyihiin Wajaale,waxaanu jecelnahay oo aanu diyaar u nahay inaanu idinla saxno,Waxa khaldan saxa oo toosiya”.

Comments are closed