|

Degmada Qorilugud Oo Qaadacday Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu Waddo

Qorilugud:Sep,07,2014(SDN/QJ)-Degmada Qorilugud oo ka mid ah Degmooyinka ugu waaweyn Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa Goleheeda Deegaanku ku dhawaaqeen inay qaadaceen Diiwaangelinta Madaniga ah ee dhawaan la doonayo in dalka laga hirgeliyo.

deegQaarka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmadaas oo arrintan warsaxaafadeed kasoo saaray ayaa sheegay inaanay wax la aqbalo ahayn marka la eego hannaanka ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu u shaxaysay Goobaha  laga qaadanayo Kaadhadhka dhalashada.

War-saxaafadeedka Golahaas Deegaanku soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidatan:

War-Saxaafadeed:-

Hadaanu nahay xildhibaanada degmada qorulugud waxaan halkan ku cadaynaynaa in aanu qaadacanay diiwaangelinta madaniga ee ay waddo Wasaarada Aarimaha Gudaha ee danta gaarka laga leeyahay, ee aan danta u ahayn dalka iyo Dadka midna.

Degmada qorulug oo ka kobaynayd 22 goob doorasho waxaa xukuumadu u qondaysay 2 gobood oo kala ah qorulugud iyo coodanle sida xukuumadu sheegtay diiwaangelintu waxay samayn ku yelanaysaa doorashooyinka dalka madaxweynaha, wakiilada iyo degaanka sidaas darteed hadaanu nahay degaanka waxaanu dadkayaga ugu baqaynaa in aanay qaadan kaadhka muwaadanaka hadii aan goobaha diiwaan gelinta laga dhigin 20 gobood oo aan dadka waayeelka iyo maatada loogu gayn degaankooda

Qabri Huluul, Caro Balbal, Muraayada, Kaarto, Bali calanle, Dogoble, Qandahaar …….iwm uma doonan karaan qorulugud awood dhaqalena u ma hayaan.

Waxaanu xukuumada ugu baqaynaa in dadka laga daayo lugooyada oo marka xukuumadu u yeelato awoodo goobo ku filan degaanka dadka la diiwaan geliyo inta ka horaysa lama keeni karo qorulugud iyo coodanle midna hadii lakeenana wixii ka dhaca xukuumadaa ka masuula.

Waxaan ugu baqayaa dhamaan golayaasha degaanka ee umadu soo dooratay in ay si midaysan u diidaan mashruucan la marin habaabiyey, sidaynu ognahay kabka D/hoose sanadkii waa $11,000,000kow iyo toban milyon marka 6 biloodwaa $5500,000 shan milyon iyo badh ee wasiirka arrimaha guduhu goostaymaaha in aynu aqbalno lacagtii deegaanka xahiishka lagaga guri lahaa. sidaynu ognahay waxaa mashuuracan lagu soo ururiyey teensaro minashiibiya aynu xaq u leenahay in aynu inagu bixino teensaro minashiibiya,markaa waxaa inagu waajiba oo umadu inoo soo dooratay in aynu metelo oo xaqooda u doodno, wax la aqbali karona maaha $8,000,000 oo doolar baa mashruucan lagu cunayaa dalkana 200 oo goboodbaa dadka laga diiwaangelinayaa taas oo samayn ku yeelandoonta dhamaan doorashooyinka Somaliland.

Waxaa xaq distuuri ah in gole deeganaan kastaa bixiyo tensare minishiibya, sidaad wada ogtihiin wuuu heshiiskii hore ee wasaarada arrimaha gudaha loo xil saaray ahaa xog ururinta qoyska oo loo yaqaano family sheet taas oo ay ka mid tahay dhalasho, dhimasho,guur iyo furniin; balse may ahayn karaka dawladaha hoose ay bixiyaan in ay dawlada dhexe la wareegto.

Hadaanu nahay xildhibaanada degmada Qorulugud waxaan halkan ku cadaynaynaa in aanu qaadacanay diiwaangelinta madaniga ee aya waddo wasaarada arimaha gudaha.

Xidhibaan Degmada Buuhodle (Qorulugud)

Xildhibaan Xandule muuse

Xildhibaan Nuur Cabdikariin

Xildhibaan Maxamed Xirsi Aadan Cade

Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Aadan

Xildhibaan Xirsi Reygal Warsame

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed