|

Deni oo gooni isutaaga Puntland la wadaagay QM

Garoowe March 31, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Kadib go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa si weyn ula fal-galaya Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu Qaramada Midoobay la wadaagay qoraalka rasmiga ah ee Puntland kasoo saartay go’aankaasi.

Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa mashaariicda horumarineed iyo dadaallada bini’aadantinimo ee ay iska kaashadeen Qaramada Midoobay iyo maamulka Puntland, iyadoo xoogga lagu saarayay wadashaqeyn buuxda.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah golaha Wasiirada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Comments are closed