|

Darawiishat Koonfur Galbeed oo Hawgalo fuliyay

-Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen tuulooyin ku dhow degmada Bardaale ee gobolka Baay waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo lacago baad ah ka qaadi jiray dadka deegaanka.

Yuusuf Maxamed Macalin oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale ayaa xaqiijiyay howlgalkaasi, isagoo ku nuux nuuxsaday dhibaatada weyn ee ay kooxdaasi u geysatay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu guuleystay in lagu burburiyo xarun ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo saameyn weyn ku yeelatay howlgalladii ay ka sameynayeen deegaanka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka howlgala degaanada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo wararku ay sheegayaan in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay dib u soo celiso wajiga labaad ee dagaalka.

Comments are closed