Uncategorized

Denmark oo Muwaadiniinteeda uga Digtay u Safrida Somalia oo ay Joogaan ayay Yidhaahdeen Kooxda Xidhiidhka la leh Daacish

Denmark 06.Oct 2014 (SDN/QJ)-Dawladda Denmark,ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay booqasho ku tagaan dalka Soomaaliya iyo waddammo kale oo  ka mid ah waddamada Islaamka gaar ahaan dalalka ay ka socdaan duqaymaha isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee lagag soo hor jeedo kooxda ISIS.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimha Dibadda Dowladda Denmark  sheegay in ay muwaadiniintooduaanay u safri Karin dalal uu sheegay in ay khatar ku yihiin noloshoodu waxaanay wasaaradda Arrimaha Dibadu tilmaantay in dadkooda looga digayo in ay tagaan dalalka Soomaaliya,Suuriya, iyo Ciraaq.

Afhayeenk wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark oo lagu magacaabo, Ole Egberg ayaa u sheegay wargeyska Politike oo ka faallooda arrimaha ay ka mid yihiin siyaasadda oo kasoo baxa Copenhagen ayaa sheegay inay uga digeen muwaadiniintooda inay dalalkaas booqdaan.

Egeberg ayaa sheegay in dalalka aanay booqan karin muwaadiniintooda ay ku jirto Soomaaliya  sidoo kalena ay ka mid yihiin; Afghanistan iyo Saudi Arabia, isagoo sheegay in sababta ay ugu diideen dadkooda inay 28-kan waddan booqdaan ay tahay khatar kaga imaan karta muslimiinta ku nool dalalkaas.

“Diyaaradahayaga  dagaalku waxay ka qaybgalayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS, sidaa daraadeed waxaan uga digaynaa muwaadiniintayada  in ay ka digtoonaadaan khataro kaga yimaada muslimiinta dalalkaas ku nool oo ay dhici karto inay ka cadhoodaan ka qaybgalkayaga  dagaalka lagula jiro ISIS,” ayuu yidhi Ole Egberg.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray oo raaciyay

“Waxaan si gaar ah uga digaynaa muwaadiniintaydu inay booqdaan Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin kooxo xidhiidh  la leh ISIS, kuwaasoo ay dhici karto inay si toos ah u beegsadaan iyagoo ka cadheysan howlgalka ka dhanka ah kooxda,” ayuu hadalkiisa raacliyay afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda Denmark.

Denmark SDN/QJ

contact@qurbejoog.com