|

Dhacdo Cusub oo Somaliland ay Ku Mutaysatay Dhaleecayn Kuna Saabsan Haween Tacaddiyo Galmo Loogu Gaystay Xabsiga Gabiley

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Bishii la soo dhaafay ee sanadkan haween ku xidhan xabsiga Gabiley ay ka cawdeen xad-gudubyo dhinaca Galmada ah oo ay ku jirto Kufsi, Jidh-dil iyo Silcin ay kula kaceen ilaalada xabsigu.

xabsiga-gebilayHaween iyagu ilaalada xabsiga ka mid ah oo soo weriyey dhacdadan ayaa ka baqay in laga aargoosto hadday sheegaan dhacdadan. Dumarka ayaa intii ay xabsiga ku jireen la kulmay jidh-dil dheeraad ah iyo si xun oo loola dhaqmo.

Bishii la soo dhaafay afar haween ah oo ku xidhan xabsiga Gabiley ee Somaliland ayaa waxa loo sheegay Amnesty International in lagula kacay tacaddiyo muujinaya Galmo iyo Jidh-dil uu ku jiro Kufsi ay kula kaceen rag ka shaqaynayey xabsiga xilliga fiidkii ee habeenka ah. Waxa kale oo la soo weriyey in maxaabiistan la jidh diley lana garaacay cuntada iyo biyahana loo diidey kuwaasoo cunto iyo biyo hela inta u dhaxaysa laba illaa afartii cisho.

Dhinaca kale, Haweenka ayaa isku deyey inay u gudbiyaan cabasho maamulka xabsiga iyagoo ka cabanayey garaacis iyo ciqaab dheeraad ah. Laakiin haweenka xabsiga ilaaliya ayaan gudbin cabashadooda iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato ka soo gaadho taasoo dhibaatadii ku sii kordhisey haweenkii maxaabiista ahaa.

Ugu dambeyntii, Noocyada galmada iyo rabshadaha kale ee ka dhanka ah dumarka ayaa waxa mamnuucay dastuurka Somaliland qodobkiisa 24’aad faqradiisa 2’aad, waxa kale oo mamnuucay xeerka caalamigga ah haddaanay jirin duruufo gaar ahi.

Comments are closed