|

Xogo Dheeraad oo Laga Helay Diyaarad Nooca Wax Basaasa Ah Oo Maraykanku Leeyahay, oo Muddooyinkii Ugu Dambeeyeyna Gaaf-wareegta Goobo Hargeysa Ka Mida Wakhtiga Habeennimo Iyo Ujeedada Duulimaadkeeda

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Wargeyska Foore oo ka Mid ah Warsidayaasha ka soo baxa Magaalada hargaysa ayaa helay xogo lagu kalsoon yahay oo ku saabsan Diyaarad nooca wax Basaasto ah oo la sheegay inay ka mid tahay Diyaaradaha wax basaasa ee Milatariga Maraykanka,taasi oo bilihii u dambeeyay hawlgalo dhinaca basaasida ah ka waday Xaafado ka tirsan Magaaladda Hargeysa,kuwaasi oo ay dhawr Habeen oo kale duwan ay diyaaradaasi xaga hawadda ka sawirtay kadib markii ay saacado badan dul heehaabaysay.

predator-b-drone-mq-9-reaper-660x404Warar Madax banaan oo aanu ka helay illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku saabsan diyaaradani ayaa noo iftiimiyay in Diyaaradani qayb ka tahay Ciidamada militariga Dalka Maraykanka ka jooga Dalka aynu jaarka nahay ee Djabuuti,Waxaanay sida la sheegay ay ka soo kacdaa Xarunta ay ciidanka Maraykanku kuu leeyihiin Halkaasi, iyadoo si toos ah labadii bilood ee u dambeeyay Wakhtiga habeen hawlgalo dhinaca hawada ah uga fulinaysay Xaafado kuyaala dhinaca koonfurta,Woqooyiga iyo badhtamaha Magaaladda Hargeysa oo si gaar ah wakhti badan u dul heehabaysay,Waxa ay Wargeyska Foore u sheegeen dad si gaar ah ula socday dhaq dhaqaaqa diyaaradani inay mararka qaarkood laydh shidato, sidoo kalena ay wakhtiyada qaarna Laydhka bakhtiisato.Waxa ay Diyaaradani inta ay Hawlgalkan ay ku jirto ay dhawr jeer ka libidhaa Isha,Wakhtiyar gudaheedna way soo laabataa taasi o ah yool gedis,waxaanay inta badan la arkaa Inta ka dambaysa Wakhtiga 7:40 Fiidnimo.

Diyaaradani ayaa la sheegay inay daba socoto islamarkaana ay kudaba joogto Telefanka loo yaqaan Thurayada oo la sheegay in lagu isticmaalayo Meelo ka tirsan Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay adeegsadaan Kooxaha argagixisadu,waxaana la sheegay in illaa Sadex goobood oo kala duwan oo Hargeyska ka mid ah lagu isticmaalo Wakhtiyada Fiidkii ee Cadceedu dhacdu balse Lama sheegin inay diyaaradaasi si rasmi ah u ogaatay dadka ay yihiin iyo Kooxda ay ka tirsan yihiin balse Sida warbixinta lanagu siiyay, waxa ay Sidoo kale Arintani xidhiidh la leedahay Rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab oo la sheegay in laga celiyay Deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo kadib markii laga warhelay kuwaasi oo dib loogu celiyay dhinaca Woqooyiga Puntland. Xogtan aanu helnay ayaa lagu sheegay inuu Xidhiidh Dhex maray Kuwan iyo Raggaasi Puntland lagu celiyay.

Wali Wax Warbixin ah Xukuumadda Somaliland kama soo saarin Diyaaradani maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa xoog looga hadal hayay iyo waxa ay raadinayso toona, Balse dad badan oo ka tirsan Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo la soo xidhiidhay Wargeyska FOORE ayaa si weyn uga dhursugaya inay Xukuumaddu Warbixin ka soo saarto waxa ay diyaaradani baadhi goobayso.

Comments are closed