|

DHAGEYSO: Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo Oo Go’aammo Soo Saartay

SB1

Hargeysa,29,6,2016 (QJ/SDN) – Shir jaraa’id oo ay goordhaweyd ku qabteen guddida guud ee Sahan-Barwaaqo magaalada Hargeysa ayay waxay ku shaaciyeen go’aamo ay sheegeen in ay ka shirayeen maalmihii ugu dambeeyay, iyadoona Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo ay go’aammadani ku sheegeen in ay taageersanyihiin heshiiskii laga gaadhay Banka Qool-cadey.

Sidoo kale Sahan-Barwaaqo ayaa go’aamadeedan ku sheegtay in xisbiyada Somaliland u wada simanyihiin isla markaana ay ixtiraam u hayaan dhammaan xisbiyada qaranka Somaliland

Dhanka kale, Guddida Sahan-Barwaaqo waxay baaq-nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee xurgurftu ku dhexmartay deegaanka Dharkayn geeyo ee gobolka Sool.

Haddaba Go’aammada ay soo saartay Sahan-Barwaaqi halkan hoose ka akhriso;

 1- Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay u xilsaarantahay Horumarinta iyo Siyaasadda Beesha Ciidagale, sidaas darteed arrin kasta oo khuseeya Horumarka Deegaanka Beesha iyo Arrin kasta oo saamayn ku yeelan kara deegaanka iyo Beeshaba waxa loo daba fadhiisanayaa guddida guud ee Sahan-barwaaqo ee Ciidagale u igmaday.

2- Haddaanu nahay guddida Sahan-Barwaaqo waxaanu taageersanahay go’aankii u danbeeyay ee Mashruuca Banka ee darafyadu ku kala aragti duwanaa ay heshiis ka gaadheen , kuna heshiiyeen arrimaha Biyaha, Xanaanooyinka Xoolaha iyo Wadada Cad.

3- Wasiirada beesha xukuumadda ugu jira iyagaa ka masuula isku xidhka beesha iyo xukuumadda, shaqaalaha kala duwan ee xukuumadda ka hawlgala waa inay ku eekaadaan shaqadooda ay xukuumaddu u xilsaartay.

4- Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay dhex-dhexaad u yihiin saddexda xisbi qaran ee Somaliland, iyagoo xisbi walba ixtiraam u haya.

5- Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay baaq-nabadeed u diraysaa Beelaha walaalaha ah ee Xurguftu ku dhex martay deegaanka Dharkayn-geeyo ee gobolka Sool, isla markaana ay joojiyaan dagaalka oo caqligu shaqeeyo, wixii wada-tashi ahna la iskugu yimaado.

Wa Billaahi Towfiiq

Chief Caaqil Maxamed Cabdillaahi Maxamed

Afhayeenka Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo

Halkan Hoose Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sahan-Barwaaqo

 

Comments are closed