|

Dhakhtar Fara-xumeeyey 265 Hablood oo Xukun Aad u Adag Lagu Riday!!!

Washington 01. February 2018 (SDN/QJ):-Dhakhtarkii kooxda qalaama-rogadka Maraykanka Larry Nassar ayaa la sheegay in gabdhaha yaryar ee uu faro xumeeyay ay gaadhayaan illaa 265 qof.

Illaa 65 gabdhood oo hor leh ayaa qiraal ka bixinaya maxkamad todobaadkan, xili toddobaadkii hore ninkan lagu xukumay 175 sanWo oo xabsi ah kadib markii 160 dumar ah ay ka sheegteen in uu ku xad gudbay.

Dadka uu waxyeeleeyay waxaa ka mid ah gabadha qaadatay billada dahabka ah ee Alu Raisman iyo Jordyn Wieber..

 

Dhegaysiga dacwadan ayaa waxa ay ku saabsantahay sidii dhaqtarkan uu gabdhaha yaryar ugu xad gudbi jirey goob caafimaad oo uu xiriirka leeyahay ee gobolka Michigan.

 

Nassar ayaa waxa uu sidoo kale ka tirsanaan jirey jaamacadda Michigan State University, halkaas oo uu dhakhtar ka ahaa, islamarkaasna uu qirtay in uu 3 dumar ah oo bukaankiisa ka mid ahaa.

 

Mid ka ah gabdhaha uu ninkan waxyeelada gaarsiiyay ayaa waxa ay da’deedu ka hooseysay 13 jir, halka labo kalena ay jireen 15 sanno.

 

Xaakimka maxkamadda Janice Cunningham oo ku sugan maxkamad yar oo ku taala magaalada Charlotte ayaa tiri “Tirada dhibenayaasha waxa ay gaarayaan 265, waxaana jira tiro kale oo aanan la garanaynin oo ku sugan dalka oo dhan iyo adduunka”.

 

Maxkamadda ayaa ogolaatay in dhagaysiga si toos ah loo tabiyo si dadka maxkamadda ka maqan ay uga qeybqaataan.Dacwadan ugu dambeysay ayaa waxaa laga yaabaa haddii lagu helo in lagu xukumo 25 sanno illaa 40 sanno.

 

Xidhiidhka qalaama-rogadka Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan ay is casileen dhammaan guddigii bud-dhigeyaasha xiriirka sababo ku wajahan  fadeexada Nassar.

 

140 ka mid ah dhibenayaasha ayaa dacwad ku furay zidhiidha iyo jaamacadda Michigan , waxayna ka doonayaan magdhow lacageed maadaamaa ay iska dhego tireen cabashooyinkii ay ka gudbiyeen dhakhtarka, siday daabacday  shabakadda BBC Somali.

 

Xeer illaaliyaha gobolka Michigan ayaa baaritaan dambiyeed ku furay jaamacadda, xili madixii iyo dhammaan maamulkii jaamacadda ay is casileen.

Xigasho BBC.

Comments are closed