Uncategorized

Dhalin fara badan oo is-qoreysa Saxaafada sanadkii ugu khatarsanaa shaqaalaha warbaahinta

Nairobi 0ct 11,2012(SDN)-Sanadkan 2012 oo ay weli bilo ka hareen ayaa waxa Hay’ada difaaca Suxuufiyiinta ee CPJ waxa ay ugu magacdartay sanadkii ugu dilka badnaa Suxuufiyiinta Soomaaliyeed.

Sidaas oo ay tahay ayaa dhalin yaro fara badan oo Soomaaliyeed waxa ay ku qulqulayaan goobaha laga barto culuunta Saxaafada.

Magaalada Nairobi oo ah goobta ugu badan ee Suxuufiyiinta dalkii ka yaacay ay haatan ku nool yihiin ayaa waxa is qoraya barashada Saxaafada dhalin faro badan.

Dhalintanoo ku baraarugsan khatarta mihnadani naftooda u leedahay ayaa hadana waxa kala weyn muhiimada Saxaafadu bulshada u leedahay.

Suxuufiyiinta haatan is qoraya Fasalada Saxaafada iyo kuwa dalkii ka soo yacay ka dib kolkii saaxiibadood lalaayay ayaa ka siman ka warheynta khatarta balse weli damacsan in ay hawsha wadaan.

Suxuufiyiinta ayaa qaar qorsheynaya in ay dalkii dib ugu noqdaan halkaa qaar kalena aaney u muuqan fursad ay dalkii dib uga hawlgalaan.

Mudo ka yar laba todobaad ayaa waxa Muqdisho dhawaan lagu dilay in ka badan Shan Suxuufiyiin ah.

Dilalka ayaa waxa intooda badan ka danbeeya kooxda Al Shabaab halka qaar kalena ay lug ku leeyihiin dhinacyada siyaasada isku haya.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com