Hargeysa Oct 11,2012(SDN/Hubaal)-Xarunta hay’ada korontada Dawlada ee magaalada Hargeysa, ayaa isu Bedeshay hoyga isgaraabka, halkaasi oo laga Raraayo biraha gaboobay ee loo yaqaan iskaraabka oo ah biro ka kooban hadhaaga baabuurta iyo wershedaha, kuwaas oo xarunta Hay’ada korontada yaalla.
Kooxo weriyeyaal ah oo shalay xaruntaasi booqday ayaa kula kulmay dhaqdhaqaaqyo iyo ka dhex socda xaruntaasi, halkaas oo ay ku arkeen mashruuc aan la ogeyn sababta ka damabaysa oo ah in laga dhex daabulaayo biro ah hadhaaga warshedaha ee xilligii dawladdii Soomaaliya, kuwaasoo dhex tuullan gudaha xaruntan.
Sida ka muuqata Sawirro ay Weriyayaashani shalay ka soo qaadeen goobtaas waxaa lagu arkay biro faro badan oo barxada xarunta la soo dhigay kuwaas oo ay miisaamayaan mishiinadda cabirka, isla markaana la kala gurayo. Oo ay mas uuliyiintii Hay’addu ka iibinayaan dad shicib ah oo goobta ku sugnaa, arrintaasina waxa ay gef ku tahay sharciga hantida qaranka oo xataa Madaxtooyaddu dhawaan ka soo saartay xeer lagu mamnuucayo in Iskaraabka dalka yaalla laga ganacsado sifo kasta oo ay noqotaba, hase yeeshee tallaabadan ayaa adhax jab ku noqonaysa hantidii umadda ka dhaxaysay ee lama taabtaanka ahayd, lamana garanayo sababta ka dambaysa xaraashanka ka bilaabmay xaruntii Korontada Hargeysa.
Sida laga war qabo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa toddobaadkii ina dhaafay digreeto madaxweyne waxa uu Hay’ada korontada ku hoos geeyay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyayna, taas oo markii hore ka madax banaanayd iskeedna isu bixin jirtay.
Lama garanayo ujeedada ka dambaysa boobka iskaraabka, hase ahaatee wargeyska Hubaal oo Xalay isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo Maareeyaha Hay’ada korontada dawladda Maxamed Axmed Aadan (Weli-Xaawo) ayaa ay noo suurto geli weyday kadib markii uu Telefoonkiisu xidhnaa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
