|

”Dhambaal ku socda madaxwayne ha”

xoog yreMudane Madaxwayne hantida kaliya ee qarankani leeyahay aynu badbaadino !! Hantida ugu wayn ee qarankeenu leeyahay waa dadkiisa daryeelkooda iyo badbaadinta shacabkaas na waa waajib qaran oo ina wada saaran guud ahaan reer somaliland gaar ahaan na xukumada ummadda dalkan lihi u xil-saarteen dardargalinta iyo ka shaqaynta danahooda. Mudane madaxwayne waxaa hubaal ah in dhimashadan dad iyo adduunyo ba leh ee laga soo sheegayo gobolada galbeedku ay damaqday dhamaan shacab weynaha reer somaliland.  Mudane Madaxwayne waxa midaas ka sii xanuun badan, miisaaniyada qarankan ee 300 million ee dollar ku dhaw ee hadana shacabkii lahaa gaajo iyo harraad  uga dhimanayo sanad kastaba. Mudane madaxwayne haddii miisaaniyada qaranka oo dalkeenu noqday dalka ugu miisaaniyad-kordhis ka badan dunida qaabkii la doono ba haloo kordhiyee ay ina dhaxalsiiso un abaarro iyo dhimasho dad iyo adduunyo oo soo noqnoqota waa barkuma-taal!.

Mudane madaxwayne waxaa ila qurux badan in lacagahan xad-dhaaf ka ah ee aynu sanadkastaba u qoondayno u dabaal-dega maalinta qaran ee 18ka may in sanadkan loogu deeqno dadkeenaa abaaraha ba’ani soo food-saareen laguna badbaadino. Mudane madaxwayne caqliga saliimka ahi wuxuu  igula hugmayaa u dabaal-dega “18ka may” innaga oo dalkeenii xaalad ba’an oo abaareed uu ku jiro, waxa ka qiimo badan inaga oo sannadkan ka soonna u dabaal-dega maalintaas, uguna gurmana  dadkeenaa abaaruhu naafeeyeen, isla jeerkaana sannadka danbe 18 may 2017 u dabaal-degna maalintaas qaran inagoo gacmaha is haysana barwaaqo iyo badhaadhe na  ku nool, isla jeerkaana aynu qorshe fog ka yeelanay abaarro danbe oo ay ku le‘adaan hantidii keliya ee ay ummadani lahayd.

 Mudane madaxwayne adduun badan ayaa inagaga baxay sidii aynu qadiyadeena gooni isu-taagga dunida uga dhaadhicin lahayn balse dunidu way ka cagajiiday inay ka garawdo ummadan yari waxay qabsatay si ay ugu fududayso waxay mudan tahay taasoo qarankeenu wakhti iyo maal ba u huray ka midho dhalintiisa. Haddaba Mudane madaxwayne miyaan lasoo gaadhin xilligii aynu daba-saqlaynta dunida yar hakin lahayn, oo duunyadii iyo wakhtigii aynu ku bixin jirnayna aynu ugu gurmano badbaadada shacabka dalkan yar wuxuu gudo iyo wuxuu geyyo ba yaqaan , isla jeerkaana samaystay nabadda iyo wax wada qabsiga aynu dunida ka iibino. Mudane madaxwayne haddii ay dhab tahay in sanduuqa horumarinta ee qaranka ay ku jiraan 42$ Million oo dollar miyaanay qumanayn in loogu qoondeeyo sidii loogu daryeeli lahaa dadkan abaartu haleeshay iyo hooyooyinka iyo caruurteena gaajada iyo haraadku iskugu biirsadeen?. Madaxwayne hal-xidhaale adag baa ina horyaala oo ay tahay inaan furfurno odaygii qarankuna waa adiga mudane madaxwayne cidda aan u wakiilanay inuu furfuro oo ummaddeenaa gargaar dagdag ah oo aan loo kala hadhin u fidiyaana waa adiga mudane madaxwayne. Mudane madaxwayne waa xaqiiq inaanad raalli ka noqonayn in shacabkii aad duurka u gashay si ay uga xoroobaan mucangigii dadkan jiif iyo joog ba u diiday, iyaguna bacadka iyo cadceed kulaylka u istaageen si ay kuugu codeeyaan  inay manta gaajo iyo harraad iskugu darsamaan.. Mudane madaxwayne xaalada dadkaas u kuurgal oo fadlan madaxwayne qorshe inooga samee abaarro danbe oo shacabkeena qiimaha badan noloshooda iyo duunyadooda ba galaafta. Mudane madaxwayne waxaan rajaynayaa in dhawaaqaygu kusoo gaadho kana fal-celiso dhambaalkayga. Mahadsanid

W/Q: Mustafe Xuseen Xoog

Khartoum, Suudaan  

Comments are closed