|

Dib u dhac ku Yimid Ansixintii Golaha Cusub ee Wasiirada Somalia iyo Dalabka Rayal Wasaaraha

Muqdisho 31,Jan 2015  (SDN/QJ) Iyadoo maanta oo Sabti ah la filayay in kalsoonida loo qaado xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay dib u dhacday ansixinta xukuumadda, isla markana ra’iisul wasaaraha Somalia uu muddo dheeraad ah weydiisanayo baarlamaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u gudbinayo baarlamaanka warqad uu ku dalbanayo in dib loo dhigo qorshaha xukuumaddiisa lagu hor-keenayo baarlamaanka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu u gudbinayay baarlamaanka Soomaaliya qoraal uu ku weydiisanayo in muddo shan illaa toddoba casho ah oo cusub la siiyo si xilligaas kaddib uu u horkeeno baarlamaanka Soomaaliya xukuumaddiisa.” Ayuu yihid mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska Raysal-wasaaraha oo warbaahinta la hadlay.

Codsiga ra’iisul wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu baarlamaanku ka yeeli doono, iyadoo ay u ballansanaayeen xildhibaannadu inay manta codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay Sharma’arke.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 20-wasiir ayaa waxaa 27-kii bishan ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo codsiga ra’iisul wasaaraha uu ku dalbanayo xilliga dheeraadka ah ay noqonayso tii labaad ee uu baarlmaanka ka dalbado.

 

Comments are closed