|

Dibad baxyo maalintii sadexaad ka socda Laascaanood

Laascaanood December 29, 2022 (SD) -Dibad baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii sadexaad waxaanay dibad baxayaashu taayaro ku gubayaan waddooyinka magaalada halka waddooyinka qaarna dhagxaan ku gooyeen, dadka careysan dilalka qorsheysan ee lagula kacayo dadka magaalada.

Waxaa maanta xiranaa inta badan ganacsigii magaalada Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Gollaha wasiirada Puntland, iyo xildhibaannada labada aqal ee federaalka ee kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka iyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood.Masuuliyiintan ayaa Somaliland ku eedeeyay xasuuq in ay ka geysteen gobolka Sool isla markaana beesha caalamka ugu baaqay in ay arinka soo farogeliyaan.

Geesta kalena Xukuumada Somaliland oo iyadu ku fashilantay wax ka qabashada dalalka soo noqnoqday ayaa sheegtay in ay bixinayso magta dadkii ay ku leysay mudaharaadyada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Koore, oo ku sugan Laascaanood ayaa la kulmay ehelada dadkii ku dhintay mudaharaadka, isla markaana ay xukuumadu mudo xileedkeedu dhamaaday ay bixinayso magta iyo aaska dadka dhintay.

Waxaana maalmihii ina dhaafay xilikii ay so,malailan d u hayeen isag ategay masuuliyiin reer Sool ah oo ka carooday habdhaqanka Xukuumada Muuse Biixi.

Comments are closed