|

Dawlada Soomaaliya oo ka soo horjeesatay mawqifka IGAD

Muqdisho January 03, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u diiday war-murtiyeedkii maanta ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD, kaasoo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo arrinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga xun tahay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa xiriirka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta war-murtiyeedka IGAD mid aan dhexdhexaad aheyn, gaar ahaan maadaama ay ku guuldareysatay inay cambaareyso faragelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha iyo madax-banaanida Soomaaliya. Soomaaliya waxay arrintan u aragtaa mid jabinaysa mabaadi’da aasaasiga ah ee UN, AU, IGAD, iyo shuruucda kale ee caalamiga ah. Xoghayaha fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa lagu booriyay inuu dib u eegis ku sameeyo hadalkaasi, lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa hab cadaalad ah oo aan dhinacna u xaglin, laguna ixtiraamo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Comments are closed