|

Dibadbax looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho January 03, 2024 (QJ) -Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. banaabaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo dadweyne aad u fara badan oo ku nool Caasimadda. Mudaharaadkan ayaa ujeedadiisu ahayd mid lagu muujinayo sida looga soo horjeedo ficilka dawladda Itoobiya iyo heshiiska muranka badan dhaliyey ee ay la gashay Somaliland.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku soo maray qeybaha kala duwan ee caasimadda, iyagoo isugu soo ururay markii danbe garoonka Yariisow, waxaana halkaasi kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo Duqa Muqdisho iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.

Madaxdu waxay shacabka uga mahadceliyeen sida wadaniyadda leh iyo sida ay si nabad galyo ah ugu mudaaharaaddeen, iyagoo sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in lagu xad-gudbo Qaranimada Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen dowladda Itoobiya inay dib u eegis ku sameyso ficillada qaldan ee ay ku kacayso.

Comments are closed