|

‘’Fooraha Dhacaayaa Ma Kii February-baa,Ilayskaa Kuwii Shidoow Abaal Baan Kuu Hayaa’’ Cali Guray Iyo Xusuustiisa Kacdoonkii 1982kii

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Waxay ugu darnayd marka aniga oo Muqdisho jooga oo maalmo yar uun joogay uu warkii dhiilada Badnaa ee xadhiggii dhalinyarada Hargeysa soo dhacay. Waa labeentii Hargeysa.

Waa intii laga arkay inay ka danqadeen xaaladdii dulmiga iyo cadaalad daradii iyo bahdaladdii iyo quudhsigii dadkooda ee maalin walba ay indhahooda ku arkayeen ey ku kacayeen kuwii sheeganayay inay dawlad u yihiin oo habdhaqankoodu iska daa inay dawlad u yihiine dhibta ay dadka rayidka ah ku hayeen ay ahayd waxa aan weligood ka soo marin gaal iyo muslin intii soo xukuntay ilaa abid.

Dembiga ay galeen muu ahayn wax kale ee wuxu ahaa; sidee u aragtaan ee u daraami kartaan ee uga damqan kartaan dhibta aanu ku hayno dadkiina? Idinkuse ma dawlad baa u tihiin anaga ayaa u dawlada oo waxanu doono ayaanu samayn karnaaye.

Muqdisho war rasmi ah oo ka badnaa in la xidhxidhay koox dhalinyaro ah oo laba sedex ka mid ahaa magacyadooda aanu garanay mooyaan eh war sugan maanu helin.

Tirada ay yihiin iyo kuwa ay yihiin, midna cid noo xaqiijisa maanu helin. Beentii iyo runtii is dhexqaadaysay wax aanu rumaysano waanu garan waynay oo dunidu tan maanta ee “Casrigii Warka” ah may ahayn ee tilfoonka ayaan xafiis dawladeed mooyaane meel kale laga heli jirin hadii la helo lafteedana sida ay Muqdisho iyo Hargeysa u wada xidhiidhi karaan ayaa adkayd cid aamini karaysay cidina may jirin oo dadku way kala wada shakisanaayeen. Warbaahintu wakhtigaa wax aan ahayn labada idaacadood ee Muqdisho iyo Hargeysa iyo Xiddigta Oktoobar ahayn oo jirayna may jirin.

Gacanta dawladda ayaanay ku wada jireen oo waxa kaliya ey u jireen amaanta Rijiimka iyo majare habaabinta dadwaynaha oo loo bixiyay hanuuninta dadwaynaha.

Muddo todobaad ah markii xaalkayagu uugaan iyo iska daba wareeg ahaa ee warba warkii hore beeniyay ayaa waxa soo dhacay war kale oo ahaa Amnesty International oo soo dalbatay liiskii aqoonyahanka lagu xidhxidhay Hargeysa waana laga yaabaa inay cidi la xidhiidhay ilayn dadaaladu dhinac kasta way ka socdeen warna la isuma wada haynine.

Xataa inta la gartay qaar ayaa naanaysahooda mooyee aan magacyadooda rasmiga ah cid garta la waayay.

Dabeed aniga oo kolkii horeba sii socod iyo soo socod ahaa oo Hargeysa iyo Muqdisho isaga dabqaadayay ayaa go’aansaday in aan subax Hargeysa u duulo liiska oo sax ahna ama anigu keeno oon soo noqdo ama cid xilkas ah u soo dhiibo.

Hargeysa markaan ka degay isla gelinkii dambeba liiskii diyaar buu ahaa oo waxan la kaashaday xertii Dhabargariir ee aanu isku majliska ahayn. Lakiin qabqabashadii weli way socotay markaa. Baashe Cabdiyare oon weli la qabanin laakiin la deydayayo ayaa ka mid ahaa kuwa markii dambe la qabtay. Isaga maalintaa aan Hargeysa ka degay kuwii deydeyay waxay ka dooneen bakhaarkiisii laakiin wejigiisa may garanayn isaga oo ka baxaya ayay kadinka kula kulmeen.

Waxay waydiiyeen Baashe miyuu joogaa intuu waydaartay ayuu yidhi Maya wuu baxay.

Subaxnimadii dambe aniga oo quraac u doonta UNION-ka oo markaas uun fadhiistay oo quraacdii dalbaday ayaan waydiiyay saaxiibadii aan meeska la fadhiistay” waar inna cid Muqdisho tegaysa? Mid uun baa yidhi Khadar Axmedyaasiin baaba saaka tegayay. Quraacdii ii maqnaydba maan sugine markiiba Taxi taagna huteelka hortiisa ayaa ku dhacay ilaa madaarkii.

Degdeg baan uga degay markaan albaabka xaga dambe ka baxay ayaan arkay dayuuradii oo rakaabkii koray oon cid dhulka taagani aanay jirin lakiin weli aan salaakii laga qaadin albaabkiina furan yahay.

Inta u dhexaysay shebega gaaban een taaganahay iyo salaankana qof ma joogo ee waa cidla. Intaan labada hareerood eegay oon cid ii jeeda waayay ayaan albaabkii ee shabega ahaa intaan iska qabtay ayaan orod taw idhii. Markaan ku dhawahay salaankii ayaan maqlay dhawaaq i leh waar joog, waar ka joog! miyaaan joogayaa dheg umaan dhigine degdeg intaan salaankii u qabsaday ayaa Khadar oo nasiib wanaag kursiga uga dambeeyay ama mid ka dambeeyay fadhiyay is dul taagay. intaan warqadii farta ka saaray ayaan hadana dib isu soo ragay, malaha shan ilbidhqsi way ka yarayd inta aan diyaaradda gudaheeda ku jiray, orod baan hadana salaankii kaga degay. Kii iga dabaqaylinayay oo NSSta ahaa oo Daahir la odhan jiray ayaan aniga oo ordaya ka hortegay oon waydaartay anigoo leh raali ahow nin baan warqad la gaadhayaye. Waxan sii maqlayay isaga oo leh “maxaanu ka garanaynaa inaad bum soo dhigtayna?” Anna tegeyba dibna umaan soo jaleecin.

Magaalada ilaa afar meelood oonu fadhiisanno gelinka dambe ayaa jiray sedex ka mid ahaa way xidhmeen oo markii intii fadhiisan jirtay la qabto tiradi sii yaraatoba waa la isu guuraa ilaa kii afraad oo “Dhabargariir” oo keliya aanu isugu soo hadhnay, isaga laftiisa waa la gurayaa oo maalin kasta cid baa maqan oo xalay la qabtay hadana balanku waa inta hadhay in aanay ka tegin ilaa la qabanayo waayo xadhigga dan iyo muraad laga lahaa may jirin hadii lagu xidho saw intii kaleba lama xidhin muxuu sheegayaa xadhigu ayuu xaalkayagu ahaa ilaa intii ay xidhayeena xidheen markay daaleen anagana arkeen in aanaan niman xadhig u joojinaya oo baqaya ama dhuumanaya ama kala yaacaya oo majliskooda xidhaya ahayn ayay markii dambe faraha naga qaadeen ama dhinac kale uga wareegeen iyo inay basaasiin noo soo diraan nala fadhiista Majkiska anaguna tabta tabteedii aanu ka horgeyno.

Qabqabashadii iyo xadhigii aan loo miidanka deyeyn ee xataa maramrka qaarkood aan hebelo la bartilmaameedsanayo oo gaar ihiba jiray, ee kii lala kulmo iyo kanna ku dar iyo ka sokooba kaalay ahaa markii hore umaanu arkayn sidii uu markii dambe noqday. Waxaanu u arkaynay tahdiid, cago-juglayn iyo baqe-gelin markaa anagana dhiiranaantayda xad dhaafka ahayd waxay naga ahayd suti xodayo iyo nacalaba waar ha biqina nimanku way ina cabsi gelibayaan oo xataa kooxda UFFO kuwo aan la soo qabanin ee iyagu is geeyay oo yidhi waar yaa na doonayay? Oo kumaad tahay iyo hebel oo la yidhi soo gal haaye ayaa jiray xukun 20 sanadood ahna cagihiisa ku doontay waayo wax dembi ah isku ogaa baan jirin in dembi la’aanta lafteedu dembi noqotona xisaabta ugumay jirin. Intii la xidhxidhay sidii loo xidhxidhay il iyo baal cid saartay may jirin. Waxay ku xidhnaayeen oo lagu jidhdili jiray Xarunta Nabadsugidda(NSS) Gobolka.

Hargeysa waxan u imi waxay ahayd bal in war sugan oo ku saabsan xadhigii Dhalinyarada Hargeysa aan helo saaxiibadii Muqdishona aan gaadhsiiyo si Hayadaha Xuquuqda Aadanaha loo gaadhsiiyo oo qaylodhaanta la gaadhsiiyo. Intaa markii aan dhameeyay hadana way ila noqon wayday in Muqdisho aan ku noqdo iyada oo xaaladda saaxiibadayda xidhna xaalkoodu aanu dhan u dhicin. Sidaa daraadeed ay hawlihii ii yaalay Muqdisho badooda ka baxay ilaa inta ay wax kala cadaabayaan waayo waxa yimi lama filaan(forza Majorie). Sidaa ayaan Hargeysa ugu negaaday oo aan ka kiraystay guri xaafadda Goljanno.

Markii aan muddo joogay waxa isaguna iigu yimi Calijawhar oo ila soo degay gurigii aan ku jiray. Aniga iyo Calijawhar sidaas ayaanu ku noqonay mataano aan kala maarmin iyo saaxiibo halgan ilaa ku dhimanayay Weerarkii Ciidamada SNM ay ku soo qaadeen Hargeysa 1988kii.

Taakulayntii Jabhadii yarayd ee Afraad taakulaynteedii sidii bay u soctay waxana ku guntaday rag uu dagaalku run ka ahaa oo wax kasta u horay ilaa inta xal rasmi ah la helayo in aan ciidankaasi kala tegin. Rag tijaar ahaa maalinta ayaa ku buxiyay ilaa shilinkii ugu dembeeyay oo kacay. Waxa ka mid ahaa Jaamac Nuur oo sida xaalkiisu maanta yahay inta ogi ay ogtahay.

Iyada oo xaalku adag yahay oo la isu ciil qabo oo xataa kuwii iyagu madaxda ahaa ciil qabaan ayaa Dharkayngeeye lagu dilay Sarkaalkii Cabdillahi Xaaji Siciid markaasay noqotay Xaydba la iloow. Tu kale ayaa hadana dhacday. Taliyaha Qaybta 26AAD saraakiishii waawaynayd ee Isaaq hore ayuu uga wada mustaaafiriyay Hargeysa gaar ahaan intii uu xiniinyo ku tuhunsanaa oo dhan ama looga shakisanaa inay ku lug lahaayeen arintii Afraad ay ku goosatay.Maalin maalmaha ka mid ahayd aniga oo sidii caadada ii ahayd ka quraacanaya UNION-ka oo weliba uu ila fadhiyo Axmed Maxamed Cali oo isagu haystay Huteelka ayuu nin dhegta wax u saaray Axmed. Dabeed wuu kacay Axmed wuxu isla taagay nin dheer oo timo cad oo dhuuban. Waxan ka arkayay daaqadda oo waxan miiska ka fadhiyay dhinaca galbeed oo bari ayaan u jeeday. In yar markuu la taagnaa oo aan oo daqiiqadna aan dhamayn ayuu Axmed igu soo noqday kiiyoo bedelan oo wax si kayiihiin ayuu muu soo fadhiisanane i yidhi ina soo kici. Waan raacay dabeedna waxay waydiiyay muxuu ahaa ninkan timaha cad eed la taagnayd. Wuxu yidhi wuxu ahaa Aden Shiine wuxu doonayaa Axmed Dhagax inay hadda is helaan markaa Tagsi uu Axmed Dhegax leeyahay baan darawalkiisa u dirayaaye. Baabuur yar oo Krasida ah ayuu darawalkiisii la hadlay wax yar ka dibna baauurkii nin xaga dambe ugu jiro ayaa soo noqday Axmedna wuu raacay. Waxan ogaaday goor dambe eh shaw saaka ninkii Janaral Gaani ayay isku baxsadeen Aden Shiine oo ka mid ahaa saraakiishii uu ka mastaafiriyay Waqooyi oo inta uu fasax soo qaatay Hargeysa ku soo noqday. Gaani ayaa cid u soo diray markuu xafiiskii qaybta ugu tegay ayuu maxaa ku soo celiyay? “Fasax baan ahay” ayuu yidhi. Wuxu yidhi fasax ahaw laakiin Hargeysa ma joogaysid ku lahaa. Maanaad i leedahay Hargeysa ma joogaysid? Haa. Kaalay iga saar adigu kursigan in aad adigu ku fadhisato may ahayn eh aniga ayay ahayd inaan ku fadhiyo adna aniga oo fasax ah baad i leedahay Hargeysa oo gurigaygii ah ma joogi kartid, waad iska tidhi eh waan joogayaa inta aan fasaxa ah. Gaani ilayn dhiigii Cabdillahi Xaaji Siciid baa qoyane halkii go’aan kumuu qaadan oo waad xidhantahay muu odhanine wuxu yidhi dayuurdda beri hadii aad raaci waydo adiga ayaa wixii kugu dhaca masuul ka ah.

Aden markii uu ka soo baxay xafiiska Gaani waxay ahayd markii uu UNIONKA yimi ee Axmed Dhagax uu raadinayay markaaba ilayn go’aanku meel buu u yaalay. AHN labadoodaba eh isla habeeninadiiba Hargeysa way ka baxeen wakhtigii uu dayuuradda raaci lahaana waxay joogeen Xarshin. Waxay ahayd 29kii bishii January 1982 markaa UFFO way xidhanaayeen maxkamaddna lama soo taagin.

Saaraakiisha milatarigu way isku xidhnaayaan oo Maxamed Kaahin oo isaguna xagga Duryo ka baxay Maxamed Cali ayaa ku daray laba jabhad oo mid ahaa Daahir Weli waxanay ku kulmeen saaxiibadiisii kale magaalada Jigjiga oo Madaxdii Itoobiyaanka ku wada hadleen iyaga oo ahaa Saraakiil SNM ah oo Itoobiya saldhig waydiisanaya. Saldhigiina waa loo ogolaaday. Sidaa ayuu Ciidankii Afraadna tol ku yeeshay uu noqday xuduntii ugu horeeysay ee laga unkay Xoogagii Ciidankii Xiraynta oo ahaa Garabkii Milatariga ee SNM.

Cali Guray

Comments are closed