|

Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Deegaanka Ceel-Cadde oo ka Tirsan Gobolka Gedo

DRONE

Ceel-cadde,25,7,2016 (QJ/SDN) – Duqayn cirka ah ayaa habennimadii xalay ahaa ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay maamusho Xarakadda Al Shabaab, ka dib markii horaantii Sannadkan ay ka Qabsadeen Ciidanka Militariga Kenya oo qeyb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sagaalkii Habeenimo, ayaa Deegaanka Ceelcadde laga maqlay jug is xig xigtay, oo ku koobneyd xerada ay Al Shabaab ku leeyihiin Deegaankaasi ee Ceel Cadde.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen hilaac iftiin sameeyay ka dibna ay maqleen jug xoogan taasi oo ay ku sheegeen in ay uga imaaneysay dhanka xeradda ay xarakadda Al Shabaab ku sugan yihiin.

Dadka ayaa intaasi ku daray Markasta oo duqayn noocaan oo kala ah ay dhacdo, dadka deegaanka waxba kama ogaan karaan khasaaraha Al Shabaab ka soo gaadha duqaynta. Meesha waxaa markiiba xdha ciidamada Al Shabaab, dhaq dhaqaaqyada dadkana way xadidaan.”

Shabaab, ayaa 15-kii bishii January weerar ballaadhan ku qaaday xeradii Ciidanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceelcadde, iyagoona kaga dilay ciidan aanay weli tiradoodu shaacin Dowladda Kenya.

Ugu danbeynti, Weerarkan, ayaa noqday noociisii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidanka Kenya markeliya ka soo gaadha Al Shabaab, tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, bishii October ee sanadkii 2011-ka.

Comments are closed