|

Sh. Maxamed Cali Geedi: “Qaadku Arrimaha Nolosha Bina’aadamka Aasaasiga U Ah Oo dhan ayuu la dagaallamaa”

geedi

Hargeysa (GM) – Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah culimada Magaalada Hargeysa ayaa ka waramay dhibaatada dhaqaale ee qaadku ku leeyahay bulshada reer Somaliland – isagoona tilmaamay sheekhu in qaadka sanadkii uu innagaga baxo dhaqaale badan.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu sheegay in Qaadku uu halis ku yahay caafimaadka dadkeena isla markaana ay tahay in laga hortago musiibada qaadka.

“Qaadku arrimaha aasaasiga nolosha bina’aadamka u ah ee Illaahay (swt) sharciga kusoo dejiyay oo dhan ayuu la dagaallamaa oo ah; diinta iyo nafta iyo maalka iyo caqliga iyo cirdiga, intaas oo dhan ayuu qaadku cadow u yahay.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Geedi oo intaasi kusii daray “Dad baa odhanaya qaadku faa’ido ayuu leeyahay – faa’iido wuu leeyahay oo dad baa ka ganacsada oo ku nool laakiin faa’iidadiisa waxa ka badan khasaarihiisa”

Sheekhu waxa kale oo uu ka waramay dhaqaalaha Somaliland sanadkii kaga baxa qaadka, isagoo tilmaamay in miisaaniyadda sanadkii ee dalka ay kusoo laba jibaarmayso lacagta qaadka sanadkii ku baxda

“Waddanka inta la sheegay rasmi ahaan qaadka la cashuuro ee soo gala waa illaa 40-milyan oo Kiiloo sanadkii, laakiin inta cashuurani wuu ka badanyahay qaadka soo gala. Dowladdu waxay ka heshaa 24-milyan sanadkii boqolkiiba laba iyo toban miisaaniyadda waddanka.

Lacagteenii Dollarka ahayd iyo adhigeenii iyo wankeenii ayaynu maalin walba sarrifnaa dabadeedna qaad ayaynu ku iibsanaa, dollarkaasi maalin walba wuu baxaa, waxa lagu qiyaasay lacagta baxda sanadkii ee waddanka ka baxda ee qaad uun lagu soo iibiyo saddex boqol oo Milyan illaa Afar boqol oo milyan miisaaniyadda waddankuna waa laba boqolba – taas micnaheedu waxa weeye miisaaniyadeena libin laab ayaa baxda sanadkiiba.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Geedi.

Comments are closed