|

Dood Ka Dhalatay Hadal Uu CIRRO Ku Sheegay In XIRSI Bilaabay Jidka Burco-Ceerigaabo & Taallo Summad U Noqonaysa Cidda Ay Taariikhda U Geli Doonto Oo La Dhagax-dhigay

Gar-adag 17. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Cali Baynax oo ay wehelinayeen Xubno Madax-dhaqameed ah, ayaa Shalay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag ka dhagax-dhigay Taallo.

Taalladan oo la sheegay inay Astaan u noqonayso in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu hirgeliyey Waddada dhismaheedu socdo ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, ayaa markii la dhagax-dhigay waxa hadallo ka jeediyey Maayarka Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, Madax-dhaqameed iyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Duulista Somaliland.

Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Waddada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo uu ku suntan yahay Madaxweynaha Somaliland “Waddada Isku xidha Ceerigaabo iyo Burco waxa Magaciisu ku suntan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”ayuu yidhi.

Wasiiru-dawlaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Cali Baynax oo gabogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dadweynaha Reer Gar-adag waxay raacayaan Dariiqii uu u jeexay Madaxweynuhu, taasaa ku tusaysa inay u dhagax-dhigaan Taalladan. Waddadaa uu u jeexay Madaxeynuhu ayuu ku hoggaamin doonaa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo Dadweynuhu Rejo ka qabaan inuu Mashaariicda Horumarineed Laban-laabi doono, Waddada dhamaystiri doono, Shidaalka qodi doono, Ictiraafka keeni doono.”

Taalladan oo loogu Magac-daray ama Magaceedu yahay “SILAANYO ROAD” isla-markaana loogu talo-galay inay astaan u noqoto dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa, ayaa Dhagax-dhiggeedu imanayaa laba Maalmood uun ka dib, markii uu Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro uu Warbaahinta ka sheegay in haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada uu dhamaystiri doono Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa, taasi oo uu xusay inuu bilaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo imika ah Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Hadalka Cabdiraxmaan-Cirro ku sheegay in Xirsi bilaabay Waddadaasi ayaa waxa ka dhashay Guux, iyadoo Dadka qaarkood dood ka keeneen hadalkaasi, iyaga oo sheegaya in Jidka Ceerigaabo iyo Burco uu dhismaheeda leeyahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Xirsi-na uu gacan-yarihiisa ahaa.

Comments are closed