|

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Miidaamo ah oo lagu Qaaday Caasimada Spain ee Barcelona & Wararka Hordhaca ah ee Boolisku Sheegeen

Barcelona 17. August 2017 (SDN/QJ):-Weerar loo adeegsaday Baabuur dad la jiidhsiiyey ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo labo qof lagu dilay qaar kale oo badana lagu dhaawacay.

Booliska ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in baabuur si xooggan loogu dhuftay dad ku sugnaa goobta loo dalxiiska tago ee Las Ramblas ee badhtamaha magaalada Barcelona.

Waxay sidoo kale sheegeen inay la tacaalayaan weerar argagixiso, iyadoo Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha lagu muujiyey dhowr qof oo dhulka yaalla, iyo booliiska oo caawinaya.

Warbaahinta Spain oo soo xiganaysa booliska ayaa sheegtay in rag hubeysan oo la socday baabuurka weerarka lagu fuliyey, ay gudaha u galeen maqaayad ku taalla goobta uu ka dhacay weerarkan, iyagoo rasaas ku furay dadkii ku sugnaa maqaayada.

Qaar ka mid ah Goob joogayaasha ku Sugnaa Goobta Shilku ka dhacay ayaa ku waramay in darawalkii dadka jiidhay uu cagihiisa ku baxsaday kadib markii uu dad badan dhulka dhigey. Warar kale oo saxaafadda kusoo baxaya ayaa sheegaya in booliiska ay arrintani u arkaan fal argagixiso.

Xaalada magaalada Barcelona aya kacsan, waxaana socda howlgalo adag oo ay wadaan Booliska, wadooyinka goobta uu weerarka ka dhacayna waa la xidhay.

Comments are closed