Kentucky Oct 12,2012(SDN)-Dood ay xalay yeesheen musharixiinta xilka madaxweyne ku-xigeenka tartanka doorashada madaxtooyada Mareykanka ayaa waxa ay aheyd mid jilbaha la isku aastay.
Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa si toos ah u weeraray afkaarta iyo qorsheyaasha ay doonayaan in ay Mareykanka ku hagaan.
Halka Paul Ryan musharaxa xilka madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Jamhuuriga uu weerar rogaal celin ah ku sheegay in dhabe khalada dalku hayo isbedelna loo baahan yahay.
Obama iyo Biden ayaa doodan ka filayay in ay noqoto mid dib loogu dhiiri geliyo taageerayaashooda oo niyad jab kala kulmay dood uu madaxweyne Obama todobaadkii hore la eesha Mitt Romney.
Halka ay Romney iyo Ryan doonayeen in ay is daba dhigaan raga la tartamaya oo ay dardar geliyaan ololahooda.
Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in doodii xalay uu si waadaxa ugu gacan sareeyay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.
SDN-Kentucky
contact@somalidiasporanews.com
