|

“ Doorasho Danbe oo Dimuquraadiyad Kaga Qabsoonta Somaliland Waxay Meesha Ka Saari doontaa in la iska Indho Tiro Aqoonsigeeda”

Majalladda Daily Maverick oo fadhigeedu yahay johannesburg, South Africa,ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka qortay warbixin dheer oo ay kaga hadashay xaaladda Somaliland, waxaanay qormadeeda ciwaan uga dhigtay “Dekadda cusubi ma wax ma ka bedalaysaa mustaqalkii dalka?.”

Doorashooyinka SomalilandWarbixinta  Daily Maverick, waxa lagu sheegay in Somaliland ay caalamka ka iibiso nabad-gelyadda iyo deganaanshaha oo labaduba ku yar mandaqadda ay ku taallo. Warbixintan waxa soo akhriyay ka dibna warkan ka soo turjumay  Tifaftiraha guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

 

“Himilladda Somaliland  ee mashruuca heshiiska dekadda  Berbera ee DP World, waxa laga yaabaa inuu xoojiyo in dib looga fikiro mustawaha iyo kaalinta Somaliland oo ah mid iibgeynaysa nabadgelyadda iyo deganaanshaheeda oo labaduba ah wax  ku yar mandaqadda ay ku taallo.

 

 

 

DP World, ayaa heshiis  30 sannadood ah  oo ku wajahan dekadda dalka la gashay Somaliland. Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 19960-kii waxase ay ku biirtay  Somalia. sannadkii 1991 ayay  Somaliland  dib u heshay xornimadeedii markii ay dhacday dawladdii Soomaaliya.

Comments are closed