|

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

Hargeysa, 28 September, 2016 – (SDN/QJ) –Wasiirkii hore ee arrimaha debadda kana mid ahaa murashaxiintii Xisbiga KULMIYE, Maxamed Biixi Yoonis, hadana ka tirsan siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

14481818_10154535639083535_8221459721287745790_o-1Xubno kamid ah siyaasiyiinta Isbaahaysiga KUlMIYE ayaa ku soo dhaweeyay madaarka, waxaanu si kooban u sheegay inay soo laabashadiisu daarantahay wadatashi u socday saxiibadiisi qaaday shirweynihii Xisbiga KULMIYE oo shirar aayo ka tashi ahi uga socdaan Caasimadda Hargaysa, kuwaas oo la filaayo inay go’aan kaga gaadhi doonaan mustaqbalkooda.

Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa musharrixiintii loolanka adag la galay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana hore u qaadacay in shirkii golaha dhexe ee lagu doortay Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed