|

“Doorashooyinka dib u dhacay iyo Dhaqanka Kelitalisnimada Ah Ee Siilaanyo Waa Mid Mugdi Geliyay Somaliland Rajadeedii” Sarkaal Sare oo ka Tirsan Machadka Siyaasada ugu Weyn Dunidda

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Khabiir ahna la taliye ka tirsan Mac-hadka ugu weyn dunida ee dhinaca daraasaadka istaraatijiyadda siyaasadda caalamiga ah ee loo yaqaano ISS (Institute of Strategic Studies) saldhigiisuna yahay magaalada London, isla markaana ah xarunta ay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka maraykanka iyo ingiriisku ku sameeyaan daraasadaha dhinaca siyaasadooda arrimaha dibadda ayaa ku tilmaamay rajadii Somaliland ka qabtay inay bulshada caalamka ku soo biirto mid god madaw ku dhacday.

IMG_5CDDC5-670CF3-DC7686-35E2FB-613E2F-794724Mr. Simon Allison ayaa Qormo uu ku daabacay jariiradda All Africa wuxuu welwel weyn ka muujiyay sida madaxweyne Siilaanyo uu ugu tuntay dimuqraadiyadii iyo xorriyatul qawlkii Somaliland kaga duwanayd, dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, Mr. Simon wuxuu qormadiisa ku bilaabay “siyaasiyiinta Somaliland waxay badiba caan ku yahiin naanasta sidoo kalana Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu la wadaaga naanaystiisa oo macnaheedu tahay “xayawaanka siilaanyada loo yaqaano ee aadka u daciifka ah, laakiin Siilaanyo maaha Siilaanyaha naanastiisu ka turjumayso ee daciifka ah, mana ahaadeen wakhtigana madaxweynaha Somaliland sharciyan, wuxuu wakhtigisii rasmiga ahaa ee la doortay dhacay oo ku eka 26 June sannadkani 2015-ka” ayuu yidhi Mr. Allison.

Mr. Allison wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “inkastoo ay Somaliland yahay dal aan la aqoonsanayn oo haddana ku naaloonaya xasilooni, nabadgelyo, iyo degenaansho ay kaga duwanaayeen Soomaaliya inteeda kale oo bulshada caalamku ku ammaanto, haddana waxaa sumcaddii Somaliland la degay doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo lagu fadeexadeeyay, tusaale ahaan golaha wakiiladda Somaliland waxaa la doortay 2005 tii, muddada la doortayna waxay ahayd shan sannadood oo qudha, waxaanay maanta kursiga weli ku sii fadhiyaan toban sannadood oo ka badan laba jeer muddadii la doortay” ayuu yidhi Mr. Allison

Isagoo Mr. Allison sii fallan-qaynaya sida dimuqraadiyadii Somaliland usii rajo beelayso wuxuu yidhi “waxaa taasi ka sii yaab badan in Axmed Siilaanyo oo shan sanno ka hor la doortay, kuna yimid ballan qaad ah inuu doorashada xilligeeda qabanayo, ay golaha guurtida oo ah gole aan la doorani ay 22 bilood u kordhiyeen, taasi ayaa ku tusaysa sida dimuqraadiyadii ugu dhimatay” ayuu yidhi Mr. Allison.

Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee xilka wasaaradda dhawaan iska casilay, ayaa isagoo wakhtiga ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Somaliland haysata tahay aqoonsi la’aanta.

GUJI HALKAN SI AAD QORAALKAN OO DHAMAYSTIRAN U AKHRIDO

Comments are closed