|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Kulan la Qaatay Garabkii Hogaanka Kulmiye ee Iska Casilay Qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Wixii lagaga hadlay DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la yeeshay labadii xubnood ee ka tirsanaa hoggaanka KULMIYE ee iska casilay qaban qaabada shirka KULMIYE xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ay weheliyeen labada guddoomiye xigeen ee Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed.

Picture619Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye C.raxmaan Talyanle ayaa ka waramay Waxyaabihii ay labadooda dhinac ka wada hadleen.

Waxaanu Xusay in Hadii Mudada Tobanka Cisho ah ee ka hadhay Qabsoomida Shirka Golaha Dhexe ay Hogaankoodu Talo Midaysan ka Yeelan doonaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maantana qaabilo garabka kale oo ah guddoomiye-xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ay suurtogal tahay inuu kulanka ku weheliyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka xalay waxa madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo uu Madaxweynuhu hore ugu xilsaaray inuu noqdo wakiil dhexdhexaadiya labada dhinac. waxa kale oo madaxweynaha kulanka ku weheliyay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.

Comments are closed