|

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab jiiteen Diyaaradii dhawaan ku dhacday Duleedka Afgooye

Muqdisho,31Oct,2015(QJ/SDN)-Waxaa soo baxaya warar kale oo dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradii dhawaan ku dhacday duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay arimo ku saabsan arinya diyaaradaasi oo shaqaalihii saarnaa ay alshabaab kaxeysteen.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa u sheegay idaacada VOA-da in xoogaga alshabaab ay jiiteen diyaarada islamarkaana ay ula dhaqaaqeen dhanka Toora-tooro.

Mar uu ka hadlayay qaabka ay u jiiteen ayuu sheegay inay ku daba xireen makiinad loo maleynayo inay kuwa beeraha lagu fasho.

Dadka deegaanka ayuu sheegay inay u sheegeen in shabaabku markii diyaaradaasi dhacdayba ay ku qariyeen geedo ay soo jareen si aaney u arkin diyaaradaha wax basaasa.

Dadka deegaanka waxay arkeen geedo badan oo shidaalka diyaarada uu kudul daatay taasoo cadeyn u ah in diyaarada la jiitay .

Dhanka Alshabaab wali way ka gaabsanayaan inay xitaa ka hadlaan sawiro ay soo bandhigaan iska daaye.

Comments are closed