Qansax-dheere May 07 2013 (SDN)— Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa guulo kala duwan ka sheegtay dagaalo ka dhacay Degmada Qansax Dheere ee Gobalka Baay halkaasi oo labada ciidan ay isku farasaareen.
Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duleedka Degmada Qansax dheere ee Gobalka Baay ay dagaal adag kula galeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia halkaasina ay ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan.
Wuxuu sheegay in dagaal xoogan kadib ay guul ka gaareen Shabaab dagaalka,sidoo kalena khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay gaarsiiyeen ciidanka Ethiopia.
Abuu Muscab ayaa sheegay in afar askari ay ku dileen dagaalkaasi sidoo kalena ay ka qaateen qoryo dagaal oo uu sheegay inay ciidankaasi ka carareen.
Dhanka kale Aadan Cabdi Qooqane oo ah Guddoomiyaha Degmada Qansax Dheere ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in dagaalka dhankooda ay guul ka gaareen,waxaana uu sheegay in Shabaab ay ka dileen ciidamo badan.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhankooda ay soo gaartay khasaaro labo askari oo halkaasi ku geeriyooday dhanka Shabaabna wuxuu sheegay inay ka dileen afar askari iyo qaar kale oo dhaawac ah.
Hadalada kasoo kala baxay saraakiishaan kala duwan ee xambaarsan guulaha dagaalka kasokoow waxaan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalka uu udhaxeeyay.
SDN-Qansax-dheere
