Uncategorized

Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka oo kawada hadlaya Arrimaha dalka Syria

Moscow May 07 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa wada hadalo kula leh Xogahayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry Magaalado Moscow, kuwaasi oo ku aadan Arrimaha dalka Syria.

Booqashada Mr Kerry ee Ruushka ayaa timid kaddib markii Israel ay duqeyn ka geystay Koofurta Syria taasi oo ay siweyn u dhaleeceysay Xukuumadda Moscow.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu la hadlay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu waxaana uu u sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen Syria ay keeneyso xasiloonidaro ku timaada gobolka.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa isku khilafsan xalka Syria waxaana laga yaabaa in wada hadladan aysan waxba k soo bixin.

SDN-Moscow